SAADAAL: Robbie Savage Oo Shaaciyey Saadaashiisa Kulamada Premier League Ee Usbuucan Iyo Midka Uu Ka Nixiyey Chelsea vs Man United

Advertisements

Horyaalka Premier League ayaa toddobaad xiiso badan galay, waxaana ay xiisadda ugu weyn ka jirtaa kaalmaha shanaad, lixaad, toddobaad iyo siddeedaad, hase yeeshee waxa kale oo iman karta in booska afraad uu loollankiisu dib u furmo.

Advertisements

Chelsea oo kaalinta afraad ku jirta, waxay garoonkeeda Stamford Bridge ku martigelin doontaa habeenka Isniinta Manchester United oo hoos ugu dhacday kaalinta siddeedaad, waxaana halkaas ka curan doona dagaal u dhexeeya labada kooxood ee tunka weyn, kuwaas oo ay midkood u dagaallami doonto inuu sii xajisto booska afraad, midka kalena inuu sare uga soo kaco booska niyad-jabka ah ee uu ku jiro.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer waxa uu quus ka noqon doonaa inuu ka qayb-galo Champions League iyo Europa League haddii uu guul kasoo heli waayo Stamford Bridge, laakiin sidoo kale Blues ayaa ogolaan doonta in kaalinteeda afraad lagula tartamo haddii ay saddexd dhibcood lumiyaaan.

Khabiirka ciyaaraha Robbie Savage oo kulankan saadaaliyey ayaa waxa uu sheegay in Manchester United ay sii geli doonto mugdi, ayna suurtogal tahay inay u degto meel ka dambaysa kaalinta ay hadda ku jirto oo ay Arsenal sinnaadaan, hase yeeshee Blues ayuu xusay inay sii adkaysan doonto booskeeda afraad.

Ciyaartii barbarraha ku dhamaatay ee Leicester City iyo Wolves ee xalay ayuu saadaasheeda qalday khabiirku, hase yeeshee waxa kale oo uu iyagana natiijooyin kala duwan u saadaaliyey labada kooxood ee reer London ee Arseanal iyo Tottenham oo la kala ciyaari doona Aston Villa iyo Newcastle.

Saadaasha khabiirka ciyaaraha Robbie Savage oo dhamaystiran:

Wolves 2-1 Leicester
Southampton 1-1 Burnley
Norwich 0-3 Liverpool
Aston Villa 0-1 Tottenham
Arsenal 2-0 Newcastle
Chelsea 2-1 Man Utd

 

Advertisements