SAADAAL: Midka Ay Real Madrid La Saxeexan Doonto Mohamed Salah Iyo Sadio Mane Ee Leh Calaamado Uu Kusoo Jiito Oo La Saadaaliyay.

Xiddigii hore ee kooxaha Valencia, Liverpool iyo Juventus ee Mohamed Sissoko ayaa ka aragti dhiibtay xiddigaha kooxdiisii hore ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane iyo midka ay la saxeexan karto Real Madrid suuqyada soo socda.

Salah iyo Mane ayaa horumar weyn sameeyay tan iyo wakhtigii ay kusoo biireen Liverpool iyagoo kamid noqday xiddigaha dunida kubadda cagta kuwooda ugu wanaagsan wakhti xaadirkan.

Image result for Mohamed Sissoko interview

Kaddib guulo waaweyn oo ay ka gaadheen tartamada maxaliga ah iyo kuwa Yurub, Mane iyo Salah ayaa xiiso ka helaya kooxaha ugu waaweyn Yurub iyadoo ay kamid tahay kooxahaas Real Madrid.

Haddaba, Mohamed Sissoko oo la weydiiyay haddii uu Mohamed Salah u wareegi karo Real Madrid ayaa sheegay inuu Sadio Mane yahay shaqsiga ku dhaw inuu Los Blancos ku biiro maadaama oo uu leeyahay calaamadihii uu Zidane kusoo jiidan lahaa.

Mohamed oo ka jawaabaya su’aasha ah haddii uu Salah ku biiri karo Real ayaa yidhi “Maya, Waxaan filayaa Sadio Mane ayaa kaga cad cad, Sababtoo ah waxa uu leeyahay calaamadaha uu Zidane doonayo, Isagu dhab ahaantii wuu qiimeeyaa, Waxaan filayaa in Sadio Mane uu Real Madrid tagi doono”.

Dhinaca kale Sissoko ayaa sheegay in haddii Salah uu ka baxo Liverpool ay Reds yihiin kuwo ku faa’idi doona maadaama oo ay heli karaan ciyaartoy da’yar oo booskiisa buuxin kara.

“Anigu ma garanayo haddii Mohamed Salah uu joogi doono Liverpool, Haddii uu tago sidoo kale arrin wanaagsan ayay u noqonaysaa Liverpool, Iyagu waa koox maskax badan wayna garanayaan sida isaga loo bedelo, Waxa jira da’yar cajiib ah oo leh waxa ay u baahan yihiin si ay Reds ugu ciyaaraan”.