SAADAAL: Khabiirka Steve McManaman Oo Saadaaliyay AFARTA Kooxood Ee Kaalmaha Sare Kaga Dhamaysan Kara Premier League Iyo Laba Kooxood Oo Waa Wayn Oo Aan Wanaag Ka Helin.

Laba todobaad oo kaliya ayaa ka hadhsan waqtiga uu si rasmi ah u furmi doono xili ciyaareedka cusub ee Premier league markaas oo ay xamaasadii horyaalka Ingiriisku aduunka dib uga bilaaban doonto laakiin waqtigan oo kaliya xili ciyaareed kasta ka hor waxaa jira khabiiro kubbada cagta ah oo sii saadaliya kooxaha kaalmaha sare kaga dhamaysan kara Premier league.

Khabiirka Steve McManaman ahna halyaygii hore ee kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa saadaal ka bixiyay afarta kooxood ee uu arko in ay xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 ku dhamaysan doonaan afarta kaalmood ee sare wuxuuna meesha ka saaray laba kooxood oo waa wayn oo uu aaminsan yahay in ay kaalmaha sare seegi doonaan.

Steve McManaman ayaa aaminsan in wali Manchester City ay tahay kooxda koobka Premier League ugu cad cad ee difaacan karta kadib markii ay xili ciyaareedkii hore dhibco badan ugu awood sheegatay shanta kooxood ee waa wayn ee la tartamayay.

Taas badalkeeda xidigii hore ee xulka qaranka England ee Steve McManaman ayaa saadaaliyay in kooxda Manchester City ay dariska yihiin ee Manchester United ay xili ciyaareedka cusub seegi doonto afarta kaalmood ee sare isla markaana ay ka hadhi doonto u soo bixi taanka UEFA Champions League.

Steve McManaman ayaa sidoo kale saadaaliyay in kooxda Sarri ee Chelsea ay iyaduna markale seegi doonto u soo bixi taanka UEFA Champions League ee afarta kaalmood ee sare wuxuuna dhinaca rajo fiican siiyay kooxda Unai Emery ee Arsenal oo aaminsan yahay in macalinka ree Spain uu kaalmaha sare ku soo saari doono.

Dhinaca kale Steve McManaman ayaa saadaaliyay in kooxdiisii hore ee Liverpool ay la tartami doonto Manchester City balse ay kaalinta labaad ku dhamaysan karto halka Tottenham uu kaalinta saddexaad u saadaaliyay.

Haddaba Halkan Kaga Bogo Saadaasha Afarta Kaalmood Ee Sare Ee Uu Steve McManaman Ku Saadaaliyay xili ciyaareedka cusub ee Premier league:

4- Arsenal

3- Tottenham

2- Liverpool

1- Manchester City

Haddaba Akhriste miyaad filaysaa in saadaasha Steve McManaman ay tahay mid muujinaysa awooda laga filan karo kooxaha sare ee Premier league? Haddii aanad saadaashiisan ku raacsanayn, qaabkee ayaad filaysaa in afarta kaalmood ee sare loogu kala dhamaysan karo?

14 Comments

Comments are closed.