SAADAAL: Khabiirada Mark Lawrenson, Paul Merson & Michael Owen Oo Saadaal Iyo Sababteedii Oo Dhan Ka Bixiyay Kulanka Lasugayo Ee Chelsea Vs Man United.

Manchester United ayaa Stamford Bridge ku booqan doonta kooxda Chelsea waxayna labada kooxood wada ciyaari doonaan kulanka wareega shanaad ee tartanka FA Cupka iyada oo loo soo baxayo wareega siddeed dhamaadka tartankan waana kulan muhiimad wayn u yeelan doona Blues iyo Red Devils sababo gaar ah iyo waliba kuwa guud.

Chelsea ayaa wali la wareersan guuldaradii bahdilaada ahayd ee ay Manchester City kala soo laabtay ee 6-0 ka ahayd inkasta oo ay guul 2-1 ah ka soo heleen kulankii Europa League ee Malmo balse guushaasi marnaba may noqon mid jamaahiirta Chelsea ilawsiisay ceebtii ay Etihad Stadium kooxoodu kala soo kulantay.

Dhinaca kale Manchester United ayaa guuldaradii ugu horaysay la kulantay tan iyo markii kooxda si ku meel gaadh ah loogu magacaabay Ole Gunnar Solskjaer waxayna sugayaan in kulanka Chelsea ay ka dhigtaan mid ay kaga jawaab celiyaan waji gabixi Old Trafford kaga soo gaadhay kulankii PSG ee Champions league.

Waxaa muuqata in Chelsea iyo Man United ay labada kooxoodba u baahan yihiin in ay si buuxda uga falceliyaan guuldarooyin ugu danbeeyay ee soo gaadhay waxaana xiiso yeelan doonta sida Ole Gunnar Solskjaer uu u xalin doono dhibaatadii guuldaradii ugu horaysay ee Red Devils ku soo gaadhay.

Dhinaca Chelsea, Maurizio Sarri waxaa saaran cadaadis xoogan laakiin waxa uu maanka ku hayaa in guul uu ka gaadhay Man United iyo u soo bixitaanka siddeed dhamaadka FA Cupku in uu wax badan badali karo xaalada kooxdiisa ee haddaba soo gaadhay finalka EFL Cupka balse Premier league ku soo dhibtoonaysay.

Haddaba khabiiro caan ah ayaa saadaaliyay kulanka FA Cupka ee Chelsea iyo Manchester United iyada oo warbixintani noqon doonta mid gabi ahaanba ka duwan qaabkii hore ee aanu saadaasha idiinku soo gudbin jirnay balse aanu si toos ah ugu soo qaadan doono hadaladii khabiiradan iyo sababtii ay saadaasha natiijada kulan u bixiyeen.

Saddex khabiir oo kubbada cagta England magac wayn ku leh isla markaana hadalkooda la qiimeeyo ayuu midba soo bandhigay aragtidiisa iyo saadaasha kulanka Man United iyo Chelsea taas oo mid kastaba aad halkan kaga bogan doontaan hadalkiisii iyo sababta uu saadaasha aanu diin soo gudbin doono uu u sameeyay.

Haddaba halkan kaga bogo khabiirada fikradooda iyo saadaashooda kulanka Chelsea iyo Manchester United soo bandhigay.

1-Saadaasha Michael Owen – Metro

Halyaygii hore ee kooxda Liverpool iyo xulka qaranka England isla markaana waayihiisa ciyaareed ku soo gaba gabeeyay Man United ee Michael Owen ayaa ka mid ah khabiirada kubbada cagta England ee saadaasha ka bixiyay isla markaana fikradiisa ka dhiibtay kulanka adag ee Chelsea iyo Man United.

Michael Owen ayaa hadalkiisa ku bilaabay: “Dhawr maalmood oo fiican midna umay ahayn labada kooxood iyada oo Chelsea ay Man City lix ku soo dhuftay axadii ka hor intii aan United dhulka lagu soo ridin kulankii lugtii hore ee PSG ee Champions league”.

Michael Owen oo xusaya in kulanka Chelsea iyo Man United uu ku celis u yahay finalkii xili ciyaareedkii hore ee FA Cupka ayaa yidhi: “Dabcan ciyaartu waa ku celiskii finalkii xili ciyaareedkii hore ee ay Chelsea 1-0 ka ku guulaysatay isla markaana Blues waxay United garaaceen afartii waqti ee ugu danbeeyay ee ay tartankan ku kulmeen”.

” Labada kooxoodba taariikh qani ah ayay ku leeyihiin tartankan waxayna Chelsea eegaysaa in ay siddeed dhamaadka u soo baxdo markii afraad oo xidhiidh ah, waxayna United doonaysaa in ay siddeed dhamaadka u soo baxdo markii shanaad” Ayuu Michael Owen hadalkiisa sii raaciyay.

Michael Owen ayaa xog cajiib ah soo gudbiyay ka hor intii aanu saadaasha kulanka Chelsea iyo Man Uited si buuxda u sheegin wuxuuna yidhi: “United laba jeer oo kaliya ayay soo guulaysatay 22 kulan ee ay martida u ahaayeen Chelsea ee tartamada oo dhan, laakiin waxaan dareemayaa in ciyaartu ay waqti dheeraad ah tagi doonto iyo suurtogal ahaan rekoodhayaal inta aynaan ogaan guulaystaha”.

Saadaasha Michael Owen: Chelsea 2-2 Manchester United

Riix 2,3 si aad u akhrisato hadalada labada khabiir ee caanka ah ee kale iyo waliba natiijada ay kulankan adag ku saadaliyeen.

26 Comments

  1. Ciyaarataas dhexnareysa chelsea iyo man saadashu waxey tahey iney chelsea ku garaaci doonto chelsea 2 man united o sababta oo ah waxa man united ka maqan laba ciyaartooy oo muhiim ah

  2. Kuma racsanianigu man utd ayan filaya iny guushu racayso tabaruhuna dhibtisa ku xalin doono man 2:0 chelsea

  3. Kulanka Chelsea 3 vs 1 Man United
    Waxaan guul u rajaynayaa kooxda chelsea .

    The Bleus waxay markii labaad oo xidhiidh ah FA Cupka ka cidhib tiri doontaa Red devils.

    Insha Allah

  4. Aniga ahaan xaqiiqda Manchester united imika marka la ego dhaawacyo badan baa hadheeyay sida Martial iyo lingard oo ka maqan hadana way badinayaan. #guuul_Manchester.
    Chelsea 1 3 Manchester united

  5. chalsea ayaan uu rajaynayaa ianay man unitted garacaan waliba dhigooda man city jabkay uu gaysatay ka ar gudan donaan chalsea 4 unitd 1

  6. Ciyaartaas fa cup ka Aniga waxaa is leeyhy Chelsea ayaa ugu dhaw in ee badiso waayo Chelsea ciyaaryahano fiican bee heystaan sidoo kale macalinka Mr zari cadaadis ayaa saaran wuuna sii saarnaa doonaa malkiilaha Chelsea waa Nin adag marka final cml ayee u thy Chelsea waxaan ku saadalinaa
    Chelsea 2-1 man utd anoo fiirineen taaagerinimo

  7. Chelsea ayaa u cad cad in ee badin doonto.waay Chelsea cadaadis ayaa Sahara kulan walba final cml in ee u ciyaarto waa qasab ama zari waa la irinaa wayo malkiilaha Chelsea waa nin u fudud in uu shaqda kaa ceyriyo marka man utd in laka badinaayo waa 100%90 Chelsea 2-1 man utd saas ayaa is leeyhay

Comments are closed.