SAADAAL: Khabiirada Barnamika Soccer Saturday Ee Sky Sports Oo Saadaaliyay Xidiga Xili Ciyaareedka Cusub Ee Premier League Ku Guulaysan Doona Abaal Marinta Gool Dhalinta Ee Kabta Dahabka Ah.

Waxa ay maalmo aad u koobani ka hadhsan yihiin furitaanka rasmiga ah ee horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League, Khubarad ka faaloota kubadda cagta gaar ahaan horyaalka Ingiriiska ee kanaalka Sky Sports ayaa markan saadaal ka bixiyay xiddiga ku guuleysan abaalmarinta kabta dahabka ah ee gooldhalinta horyaalka.

Afarta khabiir ee barnaamijka Barnamika Soccer Saturday Ee Sky Sports ayaa inta uu xili ciyaareedku socdo waxay falan qayn iyo qiimayn ku sameeyaan kooxaha, ciyaartoyda, suuqa kala iibsiga iyo dhinacyo badan oo kubbada cagta England ah waxayna haddaba sii saadaaliyeen xidigaha ku guulaysan kara kabta dahabka ee Premier league.

Tartanka kabta dahabka ah ee xili ciyaareedka cusub ee Premier League waxaa loo arkaa mid ka sii adkaan karta xili ciyaareedyadii la soo dhaafay iyada oo ay jiraan xidigo badan oo rajo wayn ka qaba in ay kabta dahabka ah ku guulaysan karaan isla markaana ay meesha ka saari karaan xidigihii safka hore ku soo iray.

Garabka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sanadkii hore goolal rekoodh ah oo 32 Gool ah ku qaaday abaalmarintaas isaga oo weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane kahor istaagay inuu ku guulaysto abaalmarintan markii saddexaad oo xidhiidh ah.

Haddaba waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa saadaasha iyo fikradaha afar kamid ah khubarada ka hawl gala Sky Sports oo dhiibanaya aragtidooda xiddiga ay u arkaan inuu ku guulaysan doono abaalmarinta kabta dahabka ah.

Saadaasha Kabta Dahabka Ah Ee Charlie Nicholas:

Xiddiga uu doortay : Alexandre Lacazette

“Kane ayaa halkaa joogi doona, Sergio Aguero ayaa halkaa joogi doona haddii uu taam ahaado iyo sidoo kale Gabriel Jesus laakiin Mohamed Salah iyo Romelu Lukaku ayaa tartami doona mar labaad”

“Si kastaba ha ahaatee, Waxaan waxaan dooranayaa kooxdaydii hore waxaanan dooranayaa Lacazette maadaama oo Pierre-Emerick Aubameyang uu isaga u abuuri doono meel banaan, Waxa laga yaabaa inay kulamada qaar iska badalaan weerarka, Laakiin waxaan arkaa iyaga oo kusoo wada bilaabanaya Lacazette ayaana ah ciyaartoyga farsamada fiican”.

Saadaasha Kabta Dahabka Ah Ee Phil Thompson:

Xiddiga uu doortay : Harry Kane

“Waxaan dooranayaa Kane, Way ka go’naan doontaa inuu Kabta Dahabka ah dib u helo waxaana uu qaadan doonaan laadad xor ah oo badan iyo shuudad intii hore ka badan si uu ugu guulaysto, Salah ayaa ku dhawaan doona waxaanan filayaa in wali laga heli doono waxsoosaarka laakiin joogteynta Kane waa mid cajiib ah”

Saadaasha Kabta Dahabka Ah Ee Paul Merson: 

Xiddiga uu doortay : Pierre-Emerick Aubameyang

“Romelu Lukaku waxa uu ciyaari doonaa kulan kasta waxaaana laga yaabaa inuu daqiiqad kasta joogo, Harry Kane waxa uu noqon doonaa mid cajiib ah Sergio Aguero waa mid kamid ah ciyaartoyda dhaliya afar gool hal kulan”.

“Laakiin waxaan dooranayaa Pierre-Emerick Aubameyang waxa, Hoos udhac yar ayaa ku yimid xilli ciyaareedkii hore sababtoo ah Arsenal ayaan tartamayn laakiin haddaad eegto rekoodhkiisa ma uusan ahayn mid aad u xun, Kuma jiraan Champions League sidaa darteed waa inuu kasoo muuqdo kooxda toddobaad kasta”

Saadaasha Kabta Dahabka Ah Ee Matt Le Tissier

Xiddiga uu doortay : Harry Kane

“Waa inuu noqdo mid kalsooni badan kaddib kasoo laabashada koobka aduunka uu kala soo laabtay kabta dahabka ah (Kane) waana nooca ciyaartoy ee doonaya inuu daqiiqad kasta ciyaaro waxa ku qaadan doontaa dadaal dheeri ah Mohamed Salah inuu ku celiyo dadaalkii xili ciyaareedkii hore”.

Haddaba akhriste, afartan khabiir ee Sky Sports midkee ayaad saadaashiisa taageersan tahay? Haddii aanad mid ka mid ah fikradiisa taageerin, adigu ma saadaalin kartaa xidiga xili ciyaareedka cusub ee Premier league ku guulaysan doona kabta dahabka ah ee Premier League?.

3 Comments

Comments are closed.