SAADAAL Dhammaystiran – Dhammaan Shanta Horyaal Ee Yurub Ugu Waaweyn Oo La Saadaaliyay, Kooxaha Ku Guuleysanaya & AFARTA Sarre.

Advertisements

Bogga ciyaaraha kala duwan ka faalooda ee 90min ayaa saadaaliyay dhammaan shanta horyaal ee ugu waaweyn qaarada Yurub ee kala ah Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga & Ligue 1 iyo qaabka ay u ekaan karaan kaalmahooda u sarreeya.

Advertisements

Dhammaan horyaaladaas ayaa ah kuwo haatan maraya meelo aad u xamaasad badan marka laga reebo Premier League iyo Ligue 1 oo ay booska koowaad iyo labaad dhibco door ah isku jiraan dhammaan saddexda horyaal ee kale ayaa ah kuwo madaxa la iskula jiro.

Aan ku bilawnee sida la filanayo 90min ayaa Premier League u saadaaliyay Liverpool halka uu kaalinta labaad u rajeeyay Manchester City saddexaad iyo afraadna Leicester City iyo Tottenham siday u kala horreeyaan warkaas oo naxdin ku ah Chelsea, Man United iyo Arsenal.

90min ayaa horyaalka La Liga u saadaaliyay Real Madrid oo haatanba hoggaanka haysata halka uu labaad siiyay Barcelona oo dhawaanahan qalalaase dhexda ka gashay waxaana afarta sarre soo dhammaystiray Atletico Madrid iyo Sevilla.

Saadaalinta 90min ee Bundesliga ayaa ah mid cajiib ah sababtoo ah inuu u saadaaliyay horyaalka sanadkan kooxda RB Leipzig halka uu boosaska labaad iyo saddexaad siiyay quwadaha horyaalkaas ee Bayern Munich iyo Bundesliga iyadoo ay booska afraad buuxisay kooxda Monchengladbach.

Sidoo kale 90min ayaa aaminsan in kootada horyaalka Talyaaniga ee Juventus ay soo dhammaanayso sanadkana uu yahay midkii Inter Milan, Booska labaad ayuu Juve u saadaalinayaa halka ay saddexaad iyo afraad soo buuxiyeen Lazio iyo Atlanta.

Horyaalka Ligue 1 ayuu sida la filan karo booska koowaad siiyay Paris Saint-Germain halka ay saddexda kaalmood ee kale buuxiyeen Marseille, Lille iyo Lyon.

Halkan Kaga Boggo Saadaasha 90min Oo SAWIRO Ah

Image

Image

Image

Image

Image

 

 

Advertisements