XOG: Barcelona Mise Liverpool? Kooxda Ugu Fursada Fiican Ku Guulaysiga UEFA Champions League Oo Xogta Xili Ciyaareedka Laga Saadaaliyay?

Saadaasha lagu bixiyo hanaanka Soccer Power Index (SPI) waa mid ku salaysan xogta koox kasta ee ay xili ciyaareedkii ka soo samayso waxaana lagu sheegi karaa fursada ay koox kasta oo afar dhamaadka UEFA Champions league soo gaadhay ay u haysto in ay finalka tartankan soo gaadhi karto iyo waliba fursada ay u haysato in ay koobka Champions league ku guulaysan karto.

Kadib markii la xaqiijiyay afarta kooxood ee u soo baxay Semi-finalka UEFA Champions leauge waxaa hanaanka Soccer Power Index (SPI) lagu saadaaliyay fursada ay boqolkiiba afartan kooxood u haystaan in finalka UEFA Champions League u soo bixi karaan iyo waliba mid kastaaba boqolkiiba fursada ay koobkan ugu guulaysan karto.

Kooxda Tottenham ayaa ah kooxda ugu fursada liidata ee u soo bixi karta finalka UEFA Champions League waana kooxda ugu qiimaynta liidata in ay koobka ku guulaysan karto. Tottenham waxay haysataa fursad boqolkiiba 49% ah oo ay finalka Champions Leage ugu soo bixi karto halka ay heshay fursad boqolkiiba 15% kaliya ah ay oo koobka Champions league ugu guulaysan karto.

Ajax ayaa ah kooxda labaad ee ugu fursada yar in ay soo gaadhi karto finalka waxayna kaalinta labaad ee hoose kaga jirtaa in ay koobka ku guulaysan karto. Ajax waxay haysataa fursad boqolkiiba 51% ah oo ay finalka Champions Leage ugu soo bixi karto halka ay heshay fursad boqolkiiba 16% kaliya ah ay oo koobka Champions league ugu guulaysan karto.

Liverpool ayaa ah kooxda haysata fursada ugu wayn ee ay ugu soo bixi karto finalka UEFA Champions league , wuxuuna Soccer Power Index (SPI) saadaaliyay in Reds ay haysato fursad boqolkiiba 51% ah oo ay ugu soo bixi karto finalka UEFA Champions leauge iyo fursad boqolkiiba 36% ah oo ay koobkan ugu guulaysan karto.

Barcelona ayaa wax yar ka hoosaysa Liverpool waxayna heshay saadaal boqolkiiba 49% ah oo ay ugu soo bixi karto finalka UEFA Champions league iyo fursad boqolkiiba 33% ah oo ay koobka UEFA Champions leauge ugu guulaysan karto.

Waxa kale oo saadaashan laga fahmi karaan in kooxaha Liverpool iyo Ajax yihiin labada kooxood ee ay inta ugu badan suurtogalka tahay in ay finalka UEFA Champions League iskugu iman karaan maadaama oo mid kastaaba haysto fursad boqolkiiba 51% ah oo ay finalka ku soo gaadhi karaan.

Riix 2,3,4 si aad xogta oo dhamaystiran uga bogato.