Ronaldo & Messi Oo Rekoodh Markii 11-Aad Ah Ka Soo Muuqday Shaxda Kooxda Aduunka Ugu Fiican Iyo Kooxda Rekoodhka Ku Haysata Ciyaartoyda Ugu Badan Ee Shaxdan Ka Soo Heshay.

Xidhiidhka caalamiga ah ee xirfadle yaasha kubbada cagta aduunka ee loo soo gaabiyo loo yaqaan FIFPRo ayaa tan iyo sanadkii 2005 kii waxay si wada jir ah FIFA u wada bixinayeen shaxda kooxda aduunka ugu fiican taas oo ay u soo codeeyeen xirfadalayaasha kubbada cagta laftoodu. Waxaana soo baxda shaxda kooxda aduunka ugu fiican ee hadda loo yaqaan FIFPRO World 11, taas oo ah shaxda kooxda riyada aduunka ee aan garoon lagu wada heli karin.

Haddaba iyada oo xalay la bixiyay abaal marinta shaxda kooxda aduunka ugu fiican isla markaana hadda la ogyahay dhamaan 11 ka ciyaartoy ee shaxdan ka soo muuqdan ayaan halkan idiinku soo gudbinaynaa xidigaha shaxdan mararka ugu badan ku soo baxay.

Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa sii dheeraystay rekoodhka labadooda u khaaska ah ee ay tirada ugu badan kaga soo muuqdeen shaxda kooxda aduunka ugu fiican. Messi iyo Ronaldo ayaa laga soo bilaabao sanadkii 2007 kii waxay si joogto ah ugu soo baxayeen shaxda kooxda aduunka ugu fiican waxayna rekoodhkan ku haystaan in min 11 jeer ay shaxda kooxda aduunka ugu fiican ka soo muuqdeen.

Ma jiro ciyaartoy abid shaxda kooxda aduunka ka soo muuqday 11 jeer oo aan ka ahayn Messi ama Ronaldo laakiin waxaa kuwee ciyaartoyda ugu soo dhaw ee rekoodhkan ku raad joogaa?.Kooxdeese ciyaartoyda ugu badan shaxdan ka soo heshay intii abaal marintan la bixinayay?

Andres Iniesta ayaa ah xidiga kaalinta saddexaad ku jira ee 9 sano ku soo baxay shaxda kooxda aduunka ugu fiican halka Sergio Ramos uu yahay xidiga kaalinta afraad ku jira ee 8 sano ku soo baxday shaxda kooxda aduunka ugu fiican.

Dani Alves ayaa noqday xidiga shanaad ee 7 sano ka soo muuqday shaxda kooxda aduunka ugu fiican isaga oo sidoo kale qayb ka ah shaxda kooxda aduunka ugu fiican ee sanadkan 2017 si la mid ah ciyaartoyda aan hore u soo sheegnay.

Xavi Hernandez ayaa kaalinta lixaad ugu jira in uu 6 sano ka soo muuqday shaxda kooxda aduunka ugu fiican halka John Terry uu isna kaalinta 7 aad ugu jiro in uu 5 sano ka soo muuqday shaxda kooxda aduunka ugu fiican laakiin Xavi iyo Terry ayaan haysan fursad danbe oo ay shaxdan ugaga soo muuqan karaan.

Haddaba halkan kaga bogo ciyaartoyda tirada ugu badan ku soo baxay shaxda kooxda aduunka ugu fiican iyo waliba sanadihii ay shaxdan ka soo muuqdeen.

Haddii aan soo qaadano kooxaha shaxda kooxda aduunka xidigaha ugu badan ka soo helay waxaa kaalinta kowaad kaga jirta Barcelona oo tan markii abaal marintan la bilaabay ay uga soo qayb galeen 50 ciyaartoy mana jirto koox kale oo heerkan ka gaadhay shaxda kooxda aduunka.

Xidigaha Barcelona Rekoodhkan U Suurtogaliyay Ee Shaxda Kooxda Aduunka Tirad Ugu badan Ka Soo Muuqday:

1 Barcelona 50:  Messi (11), Iniesta (9), Xavi, Alves (6), Piqué (4), Puyol, Ronaldinho (3), Eto’o, Neymar (2), Thuram, Villa, Zambrotta, Suárez (1)

Real Madrid ayaa kaalinta ku jirta waxaana tan iyo sanadkii 2005 kii shaxdan uga soo muuqday 39 ciyaartoy halka AC Milan ay tahay kooxda saddexaad ee shaxdan ciyaartoyda ugu badani oo 11 ciyaartoy ahi ay uga soo muuqdeen waxaana min 9 ciyaartoy ka soo helay afarta kooxood ee kala ah Bayern Munich, Man United, Chelsea iyo Juventus.

Halkan Kaga Bog Dhamaan Kooxaha ay Ciyaartoyda Ugu Badan Uga Soo Muuqatay Shaxda Kooxda Aduunka Ugu Fiican:

2 -Real Madrid 39 : Cristiano Ronaldo (9), Ramos (8), Casillas (5), Marcelo (4), Kroos, Modrić (3), Zidane, Cannavaro, Alonso (2), Di María (1)

3 -AC Milan 11: Kaká (3), Nesta (2), Cafu, Dida, Maldini, Pirlo, Shevchenko, Bonucci (1)

5 Bayern Munich 9: Neuer (4), Lahm (2), Ribéry, Robben, Kroos (1)

=Chelsea 9 Terry (5), Drogba, Lampard, Makélélé, David Luiz (1)
=Man United 9 Cristiano Ronaldo (3), Vidić (2), Evra, Ferdinand, Rooney, Di María (1)
=Juventus 9 Buffon: (3), Cannavaro, Alves, Pogba, Thuram, Zambrotta, Bonucci (1)

8 -Paris Saint-Germain 7: Silva (3), Ibrahimović, David Luiz, Alves, Neymar (1)

9 -Liverpool 5: Gerrard (3), Torres (2)

10 -Inter Milan:  3 Lúcio, Maicon, Sneijder (1)

11 -Arsenal: 1 Henry (1)
=Atlético Madrid: 1 Falcao (1)
=Valencia 1: David Villa (1)

 

Comments

comments