Fabio Capello Oo Shaaciyey Dhaqamada Aan Wanaagsanayn Ee Uu Sameeyo Ronaldo Nazario – Ma Yihiin Kuwii Sababay Dhaawacyadii Tirada Badnaa?

Tababaraha Talyaaniga ah ee Fabio Capello ayaa ka sheekeeyey dhibaatooyinkii uu kasoo mutay xiddigii hore ee reer Brazil ee Ronaldo Nazario oo lix bilood oo kaliya ay wada joogeen Real Madrid.

Ronaldo oo ka mid ah ciyaartoyda Real Madrid ayuu tababare Fabio Capello shaqada qabsaday, waxaanay iskula dhibaatoodeen sidii uu u maamuli lahaa ee uu uga joojin lahaa dhaqamada aan wanaagsanayn ee uu lahaan jiray iyo tayadiisa ciyaareed ee cajiibka ahayd.

Capello oo u warramay telefishanka Sky Sports ayaa waxa uu ku tilmaamay Ronaldo ciyaartoygii ugu hibada badnaa ee uu abid layliyo, laakiin ay taas barbar socdeen arrimo kale oo aan fiicnayn, waxaanu yidhi: “Ciyaartoygii ugu hibada badnaa ee  abid aan tababaro wuxuu ahaa Ronaldo. Laakiin isla markaa, waxa uu ahaa ciyaartoyga dhibaatadii ugu badnayn igu abuuray qolka lebbiska dhexdiisa.”

Tababarahan ruug-caddaaga ah, waxa uu faahfaahiyey nooca ay ahaayeen dhibaatooyinka uu Ronaldo kala kulmay, waxaanu yidhi: “Waxa dhaqan u ahayd inuu u baxo xafladaha (baararka) oo uu wax walba soo sameeyo. Xataa mar baa jirtay uu Ruud van Nistelrooy igu yidhi ‘tababare, qolka lebbisku wuxuu u urayaa sidii alcohol-ka’.

“Kaddib Ronaldo wuxuu tegay Milan waxaananu bilownay inaanu guuleysano, laakiin haddii aan ka hadlayno hibada, isaga ayuu ahaa kan ugu fiicnaa shaki la’aan.”

Ronaldo Nazario iyo Fabio Capello midna lagama dareemi jirin inay xurguf dhexdooda taallo marka ay garoonka joogaan, waxaana mar walba la arki jiray iyaga oo qoslaya oo hadallo kooban kaddibna isla dhoola-caddaynaya.

Ronaldo ayaa Real Madrid kusoo biiray sannadkii 2002 markii uu dalkiisa Brazil lasoo qaaday Koobka Adduunka, waxaana uu ka tegay bilowgii 2007 oo uu qayb ka noqday AC Milan, laakiin dhibaatadiisu waxay ahayd in waqtigaas aan loo ogolayn inuu kooxda Talyaaniga u ciyaaro tartanka Champions League oo aanu waligii ku guuleysanin, sababtuna waxay ahayd in qaybtii hore ee xili-ciyaareedka uu Real Madrid usoo saftay, kaddibna waxay Milan hantiday koobka iyadoo Ronaldo uu dusha sare fadhiyo oo aanu ka mid ahayn ciyaartoyda dabbaal-degaysa ee rikoodhkooda loo gelinayo guusha.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook