“Ronaldo Ayaan Ka Dooran Lahaa Messi Si Aan U Guuleysto Kulan U Muuqda Mid Aan Macquul Ahayn” – Amaanta Ronaldo Oo Iska Soo Daba Dhacaysa Kaddib Kulankii Xalay

Taageeraha weyn ee kooxda Arsenal ee Peirs Morgan oo ah shaqsi si weyn ula socda kubadda cagta caalamka ayaa kala doortay xiddigaha inta ugu badan la isla bar-bardhigo ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi marka ay noqoto kulamada muhiimka ah.

Ronaldo ayaa markale sii xoojiyay hanaankiisa ciyaareed ee kubadda isaga oo markale dunida kubadda cagta xasuusiyay sida uu u yahay boqorka tartanka Champions League.

Ronaldo ayaa soo saaray kooxdiisa Juventus oo wajahaysa mid kamid ah daafacyada ugu fiican qaarada Yurub oo ay intaa u dheertahay in kulankii hore laga soo dhaliyay laba gool shabaq nadiif ahna lagala baxay.

Haddaba, Iyadoo bandhigaas xalay ee cajiibka ahaa uu dib usoo kiciyay dooda xoogan ee midka isaga iyo Messi ah ciyaartoygii ugu fiicnaa abid ayuu Peirs Morgan doorbiday Ronaldo.

Morgan ayaa sheegay in dadku ay inta ugu badan hadal hayaan Messi balse haddii uu kala dooran lahaa labadooda kulan aan u muuqan mid macquul ah in guul la gaadho uu xulan lahaa Ronaldo.

Taageerahan weyn ee Arsenal ayaa bartiisa Twitter kusoo qoray “Dadku waxa ay ka hadlaan oo ay ka hadlaan Messi inuu yahay ciyaartoygii kubadda cagta ee ugu fiicnaa abid”

“Laakiin haddii aan dooran lahaa ciyaartoy taariikhda oo dhan ah si uu ii guuleeyo kulan u muuqda mid aan macquul ahayn, Waxaan qaadan lahaa Ronaldo, Habeen hore waxa uu aha habeen aan caadi ahayn, Isagu waa mid aan caadi ahayn”

Marka loo eego rekoodhka Ronaldo ee kulamada uu guul gaadhsiiyo koox uu u ciyaarayo ayay dhab ahaantii tahay mid adag in lala dooro taageere Morgan.

Cristiano Ronaldo ayaysan ahayn markii ugu horreysay ee uu badbaadiyo kooxdiisa kulan lugta hore looga soo adkaaday 2-0 balse waxa uu sidan oo kale sanado kahor usoo saaray Real Madrid oo natiijo midaas lamid ah ugu soo guuldaraysatay Wolfsburg.