Romelu Lukaku Oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Ka Dambeysa Abaarta Gool La’aanta Uu La Kulmay Kulamadii Lasoo Dhaafay Ay Ciyaartay Kooxda Man United.

Weeraryahanka kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Belgiam Romelu Lukaku ayaa dhaliyay 7 gool 11-kii kulan ugu horeeyay xili ciyaareedkan horyaalka Premier League-ga, laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu gool dhaliyo 4-tii kulan ee ugu danbeysay uu kasoo muuqday shaxda Red Devils.

Laakiin Romelu Lukaku ayaa wuxuu sabab buuxda kaga dhigay abaarta gool la’aanta ee haatan heysata ay tahay, in Manchester United kulamadii dambe ay ciyaartay aysan la imaan bandhigeedii wacnaa ay kaga bilaawatay xili ciyaareedkan horyaalka Premier League-ga.

24 jirkan ree Belgiam ayaa wuxuu dhaliyay 2 gool ka mid ah kulankii bar baraha 3-3 uu xilkiisa Belgiam uu la galay dhigiisa Mexico Jimcihii lasoo dhaafay, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo inuu kusoo laabto saaxada gool dhalinta, islamarkaana uu United ka caawiyo inay soo yareyso farqiga dhibcaha ay Man City kaga hogaamineyso Premier League-ga.

Hadaba Romelu Lukaku ayaa wuxuu la hadlay shabakada “Sky Sports” ee dalka England wuxuuna yidhi: “Waxaan ku bilaawanay xili ciyaareedkan qaab guuleed, dhamaan kulamadii aan soo ciyaarnay, laakiin isbuucyadii lasoo dhaafay, waxaan luminay qaabkii aan kaga bilaawanay sanadan horyaalka  Premier League-ga”.

Lukaku ayaa hadalkiisa intaa kusii daray: “Xaaladahan oo kale waxaa suuragal ah inay ka dhacaan inta lagu gudi jiro xili ciyaareedka, laakiin haatan dhamaan ciyaartoydii dhaawaca ku maqnaa ayaa kasoo kabanaya xanuunadii ay qabeen, waxaana rajeenayaa inaan soo bandhigi doono qaab ciyaareed ka wanaagsan kiin aan ku bilaawanay sanad ciyaareedkan”.

Comments

comments