Roberto Firmino Oo U Jawaab Celiyay Sergio Ramos, Isaga Oo Ku Tilmamay Inuu Yahay Doqon, Sababa La Xidhiidha Dhaawacii Uu U Geestay Mohamed Salah.

Waxaa wali sii socota sheekada la xidhiidha dhacdadii kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos iyo xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah, kadib markii uu Ramos sabab buuxa u noqday dhaawac daran ee dhanka garabka bidix kasoo gaaray Salah inta uu socday kulankii finalka ee Champions League.

Dhacadadii kulankii finalka Champions League ayaa maalinba maalinta xigta sii socota, welina waa ay soo muuqanayaan, inkastoo ay kasoo wareegtay dhacdadan mudo dhan 10 maalmood.

Qaar badan ayaa waxay siyaabooyin kala duwan dhaleeceen ugu direen kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos, waxayna u arkeen in si ula kac ah uu dhaawaca ugu geestay si uu ciyaarta kaga saaro, maadaama uu xidiga xulka qaranka Masar ahaa halista ugu xoogan ee ku wajahneed kooxda Los Blancos.

Dhawaan ayay ahayd kadib markii uu Sergio Ramos ka baxay aamusnaanta wuxuuna sheegay inuusan si ula kac ah u dhaawacin Mohamed Salah, isagoo si jees jees ah kaga hadlay dhacdada finalkii Champions League kadib markii uu sheegay: “Kaliya waxaa harsan in sidoo kale Roberto Firmino isna sheego in uu hargab haleelay sababa la xidhiidha dhibic dhididkeyga ka mid ah ee isaga gaadhay”.

Balse ugu dambeyn waxaa markiisa hadlay weeraryahanka xulka qaranka Brazil iyo kooxda Liverpool oo ka jawaab celiyay wareysigii jees jeeska ahaa uu bixiyay dhawaan Sergio Ramos wuxuuna yiri: “Waxaa wanaagsan inaan ka hadlin, wuu saxan yahay, sababtoo ah wuxuu ahaa geesi, laakiin waxaan filayaa inuu ahaa mid nacas ah, waa intaas oo kaliya”.