RIYO WAYN: Ninka Saddexaad Ee Aduunka Ugu Hantida Badan Oo Doonaya In Uu Lionel Messi & Guardiola Ku Mideeyo Koox Wayn Oo Yurub Ah.

Ninka saddexaad ee aduunka oo dhan ugu taajirsan ama ugu hantida badan ayaa doonaya in uu rumeeyo riyo adag isaga oo qorshaynaya in uu koox wayn oo Yurub ah iskugu keeno Lionel Messi iyo Pep Guardiola.

Bernard Arnault waa ninka saddexaad ee ugu hantida badan aduunka sida lagu cadeeyay majalada caanka ah ee Forbes waana mulkiilaha shirkadaha LVMH conglomerate , Luis Vuitton iyo Möet Hennessy wuxuuna doonayaa  in Lionel Messi iyo Guardiola uu iskugu keeno kooxda AC Milan.

Wargayska La Repubblica ayaa shaaciyay in bilyaneerka Bernard Arnault uu doonayo in uu Guardiola iyo Lionel Messi uu iskugu keeno kooxda AC Milan wax walba oo ay ku qaadanayso.

Bernard Arnault ayaa hantidiisa lagu qiyaasay 106.6 bilyan doolar wuxuuna doonayaa in uu iibsado kooxda AC Milan kadibna uu Lionel Messi iyo Guardiola uu kooxda keeno.

Advertisements

Guardiola iyo Lionel Messi ayaa waqti layaableh ku soo wada qaatay kooxda Barcelona waxayna hadda ku kala sugan yihiin kooxaha Barcelona iyo Manchester City.

Laakiin maal qabeenka reer France ee Bernard Arnault oo hadda loo aqoonsaday shaqsiga saddexaad ee aduunka ugu hantida badan ayaa u muuqda mid isku dayaya in uu rumeeyo riyo ah in Messi iyo Guardiola ay AC Milan kuwada shaqayn karaan.

AC Milan ayaa tobankii sanadood ee ugu danbeeyay ku soo jirtay xaalad xun oo hoos u dhac ah, laakiin haddii riyada Bernard Arnault ay rumowdo waxa uu doonayaa in uu AC Milan dib u soo celiyo.

Advertisements