Rio Ferdinand Oo Soo Xushay Kooxda Riyadiisa Ee Shan Geesoodka Ee Xidigihii Ugu Fiicnaa Premier League.

Khabiirka BT Sport ee Rio Ferdinand ahna halyaygii hore ee xulka England iyo kooxda Manchester United ayaa soo xushay kooxdiisa shan geesoodka ee ka kooban ciyaartoyda uu u arko in ay yihiin kuwii abid ugu fiicnaa horyaalka Premier league.

Rio Ferdinand ayaa waayihiisa ciyaareed oo dhanku soo qaatay Premier league isaga oo sanadkii 2015 kii ciyaaraha kaga fadhiistay horyaalka heerka labaad ee England wuxuuna Premier League ku soo wajahay ciyaartoy badan.

Ferdinand oo waqtigiisii ugu badnaa uguna fiicnaa ku soo qaatay Manchester United ayaa waayihiisa ciyaareed waxa uu sanadkii 1996 kii ka bilaabay kooxda West Ham United laakiin waxa uu sii maray kooxaha , Leeds United, Man United iyo QPR.

Rio Ferdinand ayaa kooxdiisa shan geesoodka ee ka kooban ciyaartoyda uu arko in ay yihiin kuwii Premier league ugu fiicnaa waxa uu ku soo darsaday Paul Scholes iyo Cristiano Ronaldo oo ay Man United ka soo wada ciyaareen.

Laakiin Rio Ferdinand ayaa shaxdiisa shanta xidig ee ugu fiicnaa Premier League waxa uu ku soo darsaday xidigii ay Liverpool sida wayn ugu soo xifiltameen ee Steven Gerard iyo waliba halyaygii Arsenal ee Thierry Henry .

Ferdinand ayaa shanta ciyaartoy ee riyadiisa ah oo uu isku soo daray si uu uga garab ciyaaro waxa uu ku habeeyay qaabkii ay u safan lahaayeen ee ay shanta boos ee ay ka ciyaari karaan iskugu habayn lahaayeen.

Rio Ferdinand oo la dhacsan kooxda shan geesoodka u soo xushay ayaa yidhi: “Taasi waa koox fiican. Miyay jiraan kooxo ka fiicani?”

Kooxda Riyada Ee Shan Geesoodka Rio Ferdinand

Goolhaye: Rio Ferdinand

Khadka Dhexe: Steven Gerrard iyo Paul Scholes

Weerarka: Thierry Henry iyo Cristiano Ronaldo

Haddaba akhriste, ma soo xuli kartaa koox shan geeskood ah oo ka kooban shan ciyaartoy oo Premier Leagueka soo ciyaaray kuwaas oo iska celin kara kooxda riyada ee shan geesoodka Rio Ferdinand?

1 Comment

Comments are closed.