Rio Ferdinand Oo Magacaabay AFARTA Kooxood Iskugu Soo Hadhi Doona Tartanka UEFA Champions League-Miyuu Rajo Siiyay Kooxdiisii Hore Ee Man United?

Khabiirka BT Sport ahna halyaygii hore ee Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa magacaabay afarta kooxood ee uu arko in ay iskugu soo hadhi doonaan wareega xidiga ee afar dhamaadka tartanka UEFA Champons League.

Kadib markii uu BT Sport ka falan qaynayay kulamadii lugtii hore ee siddeed dhamaadka Champions League isla markaana uu wada arkay natiijooyinkii afartii kulan ee la ciyaaray, Rio Ferdinand ayaa fikradiisa ka dhiibtay afarta kooxood ee uu u arko in ay soo gudbi doonaan kulamada lugta labaad ee siddeed dhamaadka Champions League.

Rio Ferdinand ayaa aaminsan in saddex kooxood ee Premier league ahi ay soo gaadhi doonaan afar dhamaadka UEFA Champions League isaga oo kooxdiisii hore ee Man United ku daray liiska kooxaha wareega xiga u soo bixi kara.

Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Liverpool ay shaqadeeda ku soo qabsan doonto Portugal isla markaana ay u soo bixi doonto afar dhamaadka Champions league. Liverpool ayaa ilaa hadda ah kooxda ugu fursada fiican ee laba gool guul ku sii gaadhay kulankii lugtii hore inkasta oo ay shaqo adag ku mari doonto Portugal.

Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Tottenham ay Mancheser City ka cidhibtiri doonto tartanka Champions league kadib markii ay guul 1-0 ah ku sii gaadheen kulankii lugtii hore ee siddeed dhamaadka UEFA Champions league.

Dhinaca kale Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Cristiano Ronaldo iyo kooxdiisa Juventus ay awoodi doonaan in kulanka Turin ay ugu soo bixi karaan siddeed dhamaadka Champions League kadib markii ay barbaro 1-1 ah la soo galeen kooxda Ajax.

Laakiin arinta ay dooda ugu wayni ka taagan tahay ee ayna dad badani ku raacsanayn Rio Ferdinand ayaa ah haddii ay Manchester United awood u yeelan doonto in ay Camp Nou guul ku soo gaadhi karto oo ay Barcelona tartankan ka reebi doonto iyada oo waliba guuldaro 1-0 ahi ku soo gaadhay Old Trafford.

Afarta Kooxood Ee Uu Rio Ferdinand U Saadaaliyay In Ay Afar Dhamaadka Champions League u soo bixi Doonaan:

1- Liverpool (England)

2- Tottenham (England)

3- Juventus (Italy)

4-Man United (England)

Haddaba akhriste, miyaad Ferdinand ku raacsan tahay in afarta kooxood ay u soo bixi doonaan wareega afar dhamaadka Champions League? Haddii aanad ku raacsanayn soo qor afarta kooxood ee aad filayso in ay wareega xidiga u soo bixi doonaan.

10 Comments

  1. kuma Raacsani ferdinand hadaan isku dayo
    Fikirkayga waxaa iskugu soo hari Kari
    Tartanka samefinalka kooxahaan oo kala ah
    1 juventus
    2 Barcelona
    3 liverpool
    4 tottenham

  2. Waxa sobacaya Juventus,barcelona,totenham,liverbool, kadibne juventus vs totenham waxa sobaxeso juventus, liverbool vs barca waxa sobaxeso barca final waa ronaldo vs messi.sida cadiga ah waxa la.ogyahay in cristiano uu qaadaya kobkan viva juventus

Comments are closed.