Rio Ferdinand Oo Cusbo Sii Mariyay Nabarada Xanuunka Badan Ee Xulka Qaranka Germany Isaga Oo Fariin Cajiib Ah U Diray Leroy Sane Oo Liiska Jarmalka Laga Saaray.

Halyaygii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand oo hadda ka mid ah khabiirada koobka aduunka falanqeeya ayaa cusbo sii mariyay nabarada xulka qaranka Jarmalka ee sida xun uga soo hadhay koobka aduunka ay difaacanayeen kadib guuldaradii South Korea ka soo gaadhay.

Rio Ferdinand ayaan wax naxariis ah u muujin xulka qaranka Germany laakiin waxa uu muujiyay in mid ka mid ah sababaha ay u soo hadheen ay ka mid tahay qaabkii liidatay ee tababare Joachim Low uu liiska xulka qarankiisa uga saaray da’yarkii Premier league ugu fiicnaa ee Leroy Sane.

Joachim Low oo hore xulka qaranka Germany ugu soo hogaamiyay koobkii aduunka ee Brazil 2014 isla markanaa u soo qaaday koobkii FIFA Confederation Cupka ayaa soo xushay liiska ciyaartoy aan bixin bandhigii laga doonayay wuxuuna si badheedh ah liiskiisa uga reebay Leroy Sane oo ka mid ahaa sababihii ay Man City koobka Premier league ugu guulaysatay.

Joachim Low ayaa sababtii uu Leroy Sane uga reebay liiska xulkiisa koobka aduunka ku sheegay in uu ka doortay  Julian Brandt kaas oo kaydka fadhiyay intii ay Russia joogeen balse aan saamayn la taaban karo samayn.

Haddaba Rio Ferdinand ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray fariin uu si toos ah ugu diray Leroy Sane isla markaana uu xamaasad ku galiyay jamaahiirta Germany ee sida xun uga cadhaysnaa markii Sane liiska xulkooda laga reeby.

Rio Ferdinand ayaa fariintan u diray Leroy Sane iyo jamaahiirta Germany wuxuuna soo qoray: “Lery Sane halkeed joogtaa?!?!?. Jamaahiirta jarmalka aad u waasha. Ciyaartoygoodii da’yarta ahaa ee ugu fiicnaa ayaa loo sheegay in uu xeebta ku raaxaysto halkii uu koobk aduunka ee Russia 2018 uu tagi alahaa. Waali!”.

Hadalkan ayaa sii damqaya dakharada xanuunka badan ee xulka qaranka Germany ka soo gaadhay koobka aduunka laakiin waxa uu sii kicinayaa dareenka jamaahiirtii aaminsanayd in Leroy Sane uu wax badan ka qaban lahaa xaaladii liidatay ee xulkoodu kala soo muuqday koobka aduunka.

4 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.