RIKOODH: Cristiano Ronaldo Oo 463 Kooxood Ka Goolal Badan UEFA Champions League-ga Ee Tan Iyo Markii Qaabka Uu Hadda Yahay Loo Badalay.

Wargeyska Isbaanishka ee “AS” ayaa daabacay rikoodh aad u wanaagsan uu ka sameeyay xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo tartanka UEFA Champions League-ga, maadaama uu kusii fogaanayo rikoodhka ah gooldhaliyaasha ugu sareeya taariikhda ee tartankan.

Cristiano Ronaldo ayaa u suuragashay in uu 2 gool ka dhaliyo kulankii adkaa ay arbacada kula ciyaareen kooxda Paris Saint – Germain lugta koowaad wareega 16-ka ee UEFA Champions League-ga, wuxuuna sare u qaaday goolashiisa tartankan uu gaarsiiyay ilaa iyo 116 gool, 101 gool wuxuu ku dhaliyay maaliyada kooxda Real Madrid, halka 15 gool  kalena uu ku dhaliyay kooxdiisii hore Manchester United.

Hadaba wargeyska “AS” ayaa wuxuu warbixintan daboolka kaga qaaday in Cristiano Ronaldo uu ku dhaafay rikoodhkiisa dhanka goolasha ee tartankan UEFA Champions League-ga 463 kooxood ka mid ah  511 kooxood ee tartankan ka soo qeyb gashay tan iyo markii la aas-aasay sanadii 1955, taasoo ka dhigeysa in jiraan kaliya 48 kooxood ee Champions League-ga kaga goolal ka badan inta uu Ronaldo kasoo dhaliyay.

Real Madrid ayaa ah kooxda goolasha ugu badan taariikhda ee tartankan UEFA Champions League-ga kasoo dhalisay waxayna heysataa 929 gool, waxayna farqi goolal aad u badan ay kaga hogaamineysaa kooxda booska 2-aad rikoodhkan kaga jirta ee Bayern Munich oo tartankan kasoo dhalisay 652 gool, waxaana kusoo xigta Barcelona oo iyadana soo dhalisay 586, halka Manchester United ay heysato 495 gool, iyo AC Milan oo ah 416 gool.

Waxaa jira afar kooxood kaliya ee kasoo jeeda dalka Spain ee kaga goolal badan Cristiano Ronaldo tartanka UEFA Champions League-ga, waana kooxaha kala ah Real Madrid, Barcelona, Valencia iyo Atletico Madrid

Gooldhaliyaha ugu sareeya xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ayaa wuxuu kaga goolal badan yahay Champions League-ga kooxo fara badan kale waaweyn, sida  Manchester City oo tartankan kasoo dhalisay 102 gool tan iyo markii kooxda reer England la aas-aasay iyo Napoli oo heysata kaliya 60 gool.

Si kastaba Cristiano Ronaldo ayaa u baahan kaliya inuu dhaliyo 1 gool si uu u barbareeyo rikoodhka gooldhalinta ee kooxda CSKA Moscow ku leedahay UEFA Champions League-ga, kadib markii ay kasoo dhalisay 117 gool, waxayna fadhida booska 48-aad ee kooxaha Ronaldo kaga sareeya tartankan.

Sidoo kale Ronaldo ayaa kooxda ka dhisan caasimada dalka Talyaaniga ee Roma u jira 6 gool oo kaliya, maadaama ay kaga jirto booska 43-aad kooxaha goolasha ugu badan kasoo dhaliyay  taariikhda Champions League-ga.