REKOODH: Mucjisada Goolasha Borussia Dortmund Ee Erling Haaland Oo Soo Af-Meeray Rekoodh 55 Sano Yaalay

Da’yarka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa markale soo sameeyay rekoodh cajiib ah iyadoo ay xusid mudan tahay in 19 sano jirkan wacdaraha dhigaya gudaha xilli ciyaareedkan oo uu soo baxay uun uu soo sameeyay taariikho waaweyn.

Haaland ayaa magaciisa qaab duufaan ah kusoo galiyay masraxyada waaweyn kaddib markii uu horraantii xilli ciyaareedka bandhigyo cajiib ah oo dhinaca Champions League ah kusoo sameeyay kooxdiisii RB Salzburg.

Image

Markale Haaland ayaa magaciisa kor ugu qaaday kooxda Borussia Dortmund oo uu suuqii bishii January ku biiray kaddib markii uu iska diiday dalabaad uga imanayay kooxo ay ugu horreeyeen Manchester United iyo RB Leipzig.

Haaland ayaa Dortmund goolal isdaba joog ah u dhalinaya waxaana uu markale rekoodhkiisa gool dhalineed ee wanaagsan sii watay kulankii ay shalay Schalke 04 kaga adkaadeen 4-0 ee Revierderby.

Rekoodhka uu Haaland kulankii shalay kusoo sameeyay ayaa ah inuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee horyaalka Bundesliga ka ciyaara ee tartamada oo dhan 13 gool kasoo dhaliya 12-kiisa kulan ee ugu horreeya tan iyo 1965-kii markii uu sidaas sameeyay Matischak.

Si gaar ahaaneed, Erling ayaa kulamada uu ka ciyaaray horyaalka Bundesliga oo kaliya sagaal kulan kusoo diiwaan gashaday 10 gool iyo laba gool caawimo.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

1 Comment

Comments are closed.