REKOODH: Lionel Messi Oo Xalay Cristiano Ronaldo Kala Wareegay Mid Kamida Rekoodhada Ugu Waaweyn Uguna Sumcada Badan Horyaalada Yurub.

Dagaalka rekoodhada ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo waa mid soo taagnaa in ka badan 10-kii sano ee ugu dambeeyay iyadoo marba uu midkood sarre mare rekoodhada qaarkoodna uu midkood si gaar ah u haysto.

Haatan, Kabtanka kooxda Barcelona ee Messi ayaa xalay rekoodh weyn oo dhinaca horyaalada Yurub ah ku dhaafay dhigiisa hoggaanka u ah kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Rekoodhkaas ayaa ah midka goolasha ugu badan ee abid laga dhaliyo tartamada horyaalada qaarada Yurub oo uu hore u haystay Cristiano Ronaldo balse uu haatan la wareegay Messi.

Ronaldo iyo Messi ayaa hore u lahaa min 419 gool iyadoo uu Ronaldo ahaa xiddiga tiradaas soo hor gaadhay balse goolkii uu xalay Messi ka dhaliyay kooxda Sevilla ee laadka xorta ah ahaa ayaa ka dhigan inuu dhaliyay midkiisii 420-aad ee horyaalka La Liga (Guud ahaan horyaalada Yurub ugu waaweyn).

419 gool ee Ronaldo ayaa kala ah 84 uu kasoo dhaliyay horyaalka Premier League, 311 gool oo uu kasoo dhaliyay horyaalka La Liga iyo haatan oo uu 24 gool ka diiwaan gashaday horyaalka Serie A.

Tirada 419 gool uu ku gaadhay Cristiano ayaa ah 525 kulan halka uu Messi 420 gool ku diiwaan gashaday 455 kulan oo ah in 70 kulan ka hooseysa tirada kulamada uu Ronaldo u baahday.