Midkee Guulaysan Lahaa Shaxaha Kooxaha Caasaanka Iyo Buluuga Ee Horyaalada Yurub?

Inta badan kooxaha Yurub waxay ku ciyaaraan midabo u badan casaan ama Buluug inkasta oo ay jiraan kooxo midabo ka duwan ku ciyaaraa. Haddii kooxaha lagu kala qaybin lahaa midabka maaliyadooda kowaad waxaa soo baxaya kooxo casaan ah iyo kuwo Buluug ah.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa laba shaxood oo laga sameeyay ciyaartoyda ay kooxahoodu midabka casaanka ah ku ciyaaraan iyo kuwa ay midabka buluuga ah ku ciyaaraan waxaana ku soo baxay ciyaartoy heer caalami ah.

Marka aad labada kooxood isku eegto waxa uu shaki wayni kaa galayaa kooxda awood badan yeelan lahayd haddii ay ciyaartoyda ku soo baxday ee 22 ka ahi hal mar garoon soo wada gali lahaayeen.

Shaxda ciyaartoyda kooxaha midabka casaanka ku ciyaara waxaa laga soo kala xulay kooxaha Man United, Liverpool iyo  Bayern Munich oo kaliya iyada oo kooxihii kale ee midabkan la wadaagayay ay boos ka waayeen ciyaartoyda saddexdan kooxood.

Dhinaca kooxaha midabka buluuga ah ku ciyaara waxaa laga soo kala xulay Manchester City, Chelsea iyo Napoli waxaana boosas ka waayay kooxihii kale ee midabkan la wadaaagayay.

Shaxda Kooxda Matalaysa Kooxaha Yurub Ee Casaanka Ku Ciyaaraya.

Waxaa shaxda kooxda casaanka goolka ugu jira Alisson Becker oo Liverpool goolhaye u ah waxaana difaaca dhexe ugu jira Harry Maguire oo Manchester United u ciyaara iyo joog dheeraha Liverpool ee Virgil Van Dijk.

Difaaca bidix waxaa shaxda kooxda casaanka ugu jira David Alaba oo waqti dheer loo arkayay difaaca bidix ee aduunka ugu fiican halka difaaca midig uu buuxiyay da’yarka Liverpool ee Arnold.

Khadka dhexe ee kooxda casaanka waxaa isdaba jooga Pual Pogba iyo Philippe Coutinho kuwaas oo u ciyaara Man United iyo Bayern Munich sida ay u kala horeeyaan.

Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo Liverpool kawada tirsan ayaa labada garab ku jira halka gool dhaliyaha Man United ee Marcus Rashford iyo weerar yahanka Bayern Munich ee Roberto Lewandowski ay shaxdan dhamaystireen.

Shaxda Kooxda Matalaysa Kooxaha Yurub Ee Buluuga Ku Ciyaaraya.

Shaxda kooxda buluuga ah waxaa goolhaye u ah Ederson oo Manchester City ka tirsan waxaana saddexda difaaca ah ugu soo baxay difaaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly, Kyle Walker iyo Aymeric Laporte oo Man City kawada tirsan.

Afarta khadka dhexe waxaa shaxdan ugu soo wada baxay Kevin De Bruyne,N’Golo Kante, Jorginho iyo Bernado Silva oo dhamaantood ka tirsan kooxaha Manchester City iyo Chelsea.

Saddexda weerarka ah waxaa kuwada jira laba gool dhaliye ee Manchester City ee Raheem Sterling iyo Sergio Aguero iyo xidiga kooxda Napli ee Dries Mertens.

Sida muuqata shaxda kooxda buluuga ah waxaa awood u sheegatay Manchester City taas oo muujinaysa in kooxda Guardiola ay awood badan ku yeelatay horyaalada Yurub ugu waa wayn.

Halkan si buuxda ugaga bogo Shaxaha kooxaha casaanka iyo buluuga oo dhan.

Haddaba akhriste, adigu kooxdee ayaad dooran lahayd haddii aad labadan shaxood qiimayso?

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

3 Comments

  1. Casaanka ayaa adkaan lahaa aragtideyda Lewandowski kaligii hat-trick dhalin lahaa wan hubaa.

  2. Kooxda Casaanka Ayaa Guulaysan lahayd waayo Lpxyo ayaa ku jira sida liwandwski. Salah. Mane. Rashford

  3. Marka tageero man United ah 🙏🤣 hary mequire wan qatay lkn pogba 3 sano dunsana in tageronimo boos lagu sameyo pagekan ayay sumcad xumo u tahay, mar hadi ay sas tahay ha laga dhigo dhaxahi hore kubadu ka dhamatay sida
    pogba & ozil ugu horeyan wa hadi xasus lagu so gelinayo. Rashford sedex werar o ninkasta booskisa ugu fcnyay aya joga right winger SALAH, left winger MANE & striker LEWANDOWSKI. 🙏 plz mxa rashford mesha kenay. Plz pogba Juventus aya kubad uga danbasay sida ozilba real ugu danbaysay. Hayna waalina.

Comments are closed.