Real Madrid Waxay Cuntaa Tababaryaasha, Mauricio Pochettino Waxaa Waajib Ku Ah In Uu Tottenham Sii Joogo.

Tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa waqti dheer bartilmaameedka kowaad u ahaa madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez laakiin markii uu Zidane iska casilay shaqada Madrid oo uu Perez doonayay saxiixa Mauricio Pochettino waxaa iska hortaagay gudoomiyaha kooxda Tottenham ee Daniel Levy.

Laakiin khabiirka Daily Mail ee Martin Samuel ayaa maqaal dheer oo uu ka qoray xiisaha Real Madrid ee Mauricio Pochettino waxa uu ku tilmaamay in maamulka Florentino Perez ay tababaryaasha cunaan isla markaana ay Pochettino la gudboon tahay in uu Tottenham sii joogo.

Mauricio Pochettino ayaa ka cadhaysan xaalada kooxdiisa Tottenham kadib markii uu waayay lacag suuqa kala iibsiga uu ciyaartoy kaga soo iibsado maadaama oo ay Spurs si wayn ugu mashquulsan tahay dhamaystirka garoonkooda layaabka leh ee ay ka dhisayaan halkii White Hart Lane laga burburiyay.

Martin Samuel ayaa tilmaamay in haddii uu Pochettino ku biiro Real Madrid uu mari doono dariiqii tababaryaasha badan la soo mariyay isaga oo Madrid ku tilmaamay cunayaasha tababarayaasha wuxuuna tusaale u soo qaatay Lopetegui oo ugu danbeeyay iyo xataa Zidane oo guulihii uu gaadhay culays kaga badbaadi waayay.

Martin Samuel ayaa yidhi: “Pochettino waxa uu noqon doonaa gacan kale oo la shaqaalaysiiyay oo kaliya oo iska tagaya, haddii ayna u shaqayn billo ayuu ku tagayaa sidii Julen Lopetegui. Xataa haddii ay u shaqayso, heerka Madrid waa dalbasho aan macquul ahayn. Zinedine Zidane ayaa laba sano iyo badh kaliya joogay kuwaas oo uu saddex jeer ku soo guulaystay Champions League, waxa uu wali joojin kari waayay wararka xanta ah ee shaqadiisa”.

Martin Samuel oo Pochettino  uga sheekaynaya waxa uu la kulmi doono haddii uu Real Madrid ku biiro ayaa yidhi: “Real Madrid waa tababare cunayaal. Tan iyo bixitaankii Vicente del Bosque ee 2003 kii, waxay iyagu haysteen 14 tababare, saddex ka mid ah ayaa dhaafay 100 kulan iyada oo laba kaliyi ay 50 kulan gaadheen”.

Real Madrid ayaa todobaadkan shaqadii kooxdeeda ka caydhisay Julen Lopetegui kadib markii ay xaalad xun kooxdu soo gashay wuxuuna Lopetegui joogay afar bilood oo kaliya waxaana hadda si ku meel gaadh ah Madrid loogu dhiibay Santiago Solari oo ahaa macalinka kooxda da’yarta ah ee Casilla.

Laakiin Florentino Perez ayaa doonaya in Mauricio Pochettino uu gacanta ku soo dhigo inkasta oo gudoomiyaha kooxda Tottenham uu lacago badan dalbaday markii uu Zidane baxay balse markan Mauricio Pochettino ayaa looga digay in uu ka baxo Tottenham oo uu Bernabeu ku biiro.

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.