Real Madrid Vs Juventus, Chelsea Vs Atletico Madrid, Qaabka Dharyaha Isku Aadka Champions League Noqon Doonaan Oo Haddaba La Ogyahay.

Qaabka uu noqon doono isku aadka heerka guruubyada UEFA Champions league ee xili ciyaareedka cusub ayaa haddaba si buuxda u habaysmaya iyada oo kooxo badani ay ogyihiin dhariga ay isku aadka ka gali doonaan.

Kadib markii ay Chelsea ku guulaysatay koobka UEFA Europa League waxay ka faa’iiday marka koobka laga yimaado in ay ka mid noqotay siddeeda kooxood ee hogaamin doona isku aadka Champions League ee xili ciyaareedka cusub.

Kooxaha ku soo guulaystay horyaalada Yurub ugu waa wayn oo lagu daray Chelsea oo Europa League ku soo guulaystay iyo waliba kooxda hanan doonta Champions League ayaa noqon doona siddeeda kooxood ee lagu bilaabi doono isku aadka Champions league.

Kooxo waa wayn ayaa xili ciyaareedkan isku guruub noqon kara maadaama oo ay Pot2 ku jiraan kooxo waa wayn sida Real Madrid, Atletico madrid, Borussia Dortmund iyo kooxo la mid ah.

Liverpool iyo Tottenham ayaa hadda aan ogayn Pot1 ama Pot2 midka ay gali doonaan maadaama oo kooxda koobka Champions League ku guulaysataa ay gali doonto Pot1 kaas oo ah dheriga ay kooxaha waa wayni inta badan jecel yihiin.

Laakiin haddii ay Liverpool ku fashilanto ku guulaysiga Champions League waxay gali doontaa Pot2 halka haddii ay Tottenham ku guulaysato Champions League ay gali doonto Pot1.

Haddaba waxaa la ogyahay in Real Madrid ay ku aadi karto kooxaha Juventus, Bayern Munich, PSG,  Manchester City iyo haddii ay Liverpool koobkan ku guulaysato taas oo keeni karta in Madrid ay guruubka dhimasada ka soo muuqan karto.

Ilaa hadda 26 kooxood ayaa si rasmi ah ugu soo baxay heerka Groupyada Champions League laakiin waxaa jiri doona 6 kooxood oo kale oo ay waajib ku tahay in ay soo maraan isreeb reebka Champions League.

Muxuu Yahay Sharciga Loo eego Isku Aadka Heerka Groupyada Champions League:

Marka isku aadka heerka guruubyada UEFA Champions leauge la samaynayo waxaa muhiim ah in aad ogaato in kooxaha isku dheriga ahi ayna isku aadi karin oo ayna koox Pot1 ku jirtaa ayna ku aadi karin isla koox Pot1 ku jirta waxaana la mid ah dhamaan dheryaha kale.

Arinta labaad ee muhiimka ahi waa in kooxaha isku dalka ahi ayna iskugu aadi karin heerka groupyada Champiions League waxaana jira sharci UEFA ay leedahay oo kooxaha isku wadanka ah kala ilaaliya heerka groupyada Champions League iyo wareega 16ka.

Arinta saddexaad waa mid u gaar ah kooxaha reer Ukrain iyo Russia kuwaas oo lagu kala ilaaliyo in isku aadka Champions League ama xataa Europa League ay iskugu aadaan.

Haddaba halkan kaga bogo Qaabka ay kooxaha Champions league u soo baxay ugu habaysan yihiin dheryaha ama Pots-ka isku aadka Champions Leagu lagu salayn doono.

POT 1: Chelsea, Manchester City, Barcelona, Juventus, Bayern Munich, Paris Saint-Germain ,Zenit St Petersburg,Liverpool/Tottenham

POT 2: Real Madrid, Atletico Madrid, Porto (Waa inay isreebreeb ka soo baxaan), Liverpool ama Tottenham, Napoli, Borussia Dortmund, Shakhtar Donetsk, Ajax (isreeb reeb ayay soo gali doontaa)

POT 3: Inter Milan, Benfica, Dynamo Kiev (waa inay isreebreeb ka soo baxaan), Lyon, FC Salzburg, Valencia, Bayer Leverkusen, Benfica, Celtic FC (Isreeb reeb ayay soo gali doontaa)

POT 4:  Lokomotiv Moscow, Galatasaray, Atalanta, Dinamo Zagreb,Lille, RB Leipzig, Genk, FC Copenhagen (isreeb reeb ayay soo galayaan )