Real Madrid Vs Barcelona- Shaxaha Macquulka Ah Ee Ay Zinedine Zidane & Eresto Valverde Ku Loolami Karaan Xili Ciyaareedka Cusub-Midkee Gacan Sarayn Kara?

Kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa isku diyaarinaya xili ciyaareed u muuqda in uu noqon doono mid soo celin kara xiisihii kulanka heerka kooxaha ugu wayn ee El Clasico kaas oo xili ciyaareedkii la soo dhaafay ahaa midkii ugu liitay kadib markii ay awooda labada kooxood noqotay kuwo kala hooseeyay.

Barcelona ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay waxay dhibaato wayn ku soo abuurtay Real Madrid oo ay kulankii horyaalka La liga ee Camp Nou si xun u xasuuqday isla markaana ay afar maalmood gudahood laba jeer ku garaacday Santiago Bernabeu si ay horyaalka iyo Copa Del Rey uga cidhibtirto.

Laakiin xili ciyaareedka cusubi waxa uu noqon doonaa mid gabi ahaanba sidii xili ciyaareedkii hore ka duwan maadaama oo uu Zinedine Zidane dhisayo mashruuc cusub oo uu ku doonayo in uu Barcelona si xoogan ugula tartamo.

Soo laabashada Zidane ee Real Madrid waxa uu muhiimada kowaad ka dhigtay sidii uu ugu guulaysan lahaa horyaalka La Liga kaas oo uu ku tilmaamay waxa ugu muhiimsan ee uu doonayo in uu Madrid la gaadho.

Tobankii sanadood ee ugu danbeeyay ayay Barcelona ahayd kooxda inta ugu badan soo maamulaysay koobka horyaalka La Liga waana arinta uu Zidane doonayo in uu soo gaba gabeeyo kadib waqtigiisa labaad ee Bernabeu.

Laakiin Barcelona ayaan doonayn in ay arkaan awooda Real Madrid oo kooxdooda ka sare martay waxayna dagaal ugu jiraan in ay sameeyaan ugu yaraan laba saxiix oo gabi ahaanba badali kara xaalada ay kooxdoodu ku jirto.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa warbixin aanu idiinka diyaarinay shaxaha macquulka ah ee ay ku xifiltami doonaan Zidane iyo Valverde xili ciyaareedka cusub iyo xaalada labada kooxood.

Isbadalka Uu Zinedine Zidane ka Samaynayo Madrid Iyo Shaxda Macquulka Ah Ee Uu Diyaarsanayo:

Real Madrid waxay haddaba la soo saxiixatay dhawr ciyaartoy oo si toos ah ugu soo bixi kara shaxda Zinedine Zidane ee xili ciyaareedka cusub waxaana ugu muhiimsan Eden Hazard oo la filayo in uu saamaynta ugu wayn ku yeelan karo Madrid.

Luka Jovic iyo Eder Militao ayaa sidoo kale la filayaa in ay saamayn fiican ku yeelan karaan Madrid inkasta oo ay waajib ku noqon doonto in ay booskooda u tartamaan.

Zidane iyo maamulka kooxdiisa Madrid ayaa ilaa hadda ku dhibtoonaya in ay Bernabeu ka diraan liiska ciyaartoyda ayna qorshahooda xili ciyaareedka cusub ku darsan oo ay ugu horeeyaan Gareth Bale, Keylor Navas, Vallejo, Mariano Diaz, Lucas Vazguez iyo xidigo kale.

Marka laga reebo Marcos Llorente oo Atletico Madrid ku biiray, waxay Real Madrid wali haysaa xidigo badan oo aan ku jirin qorshaah Zidane kuwaas oo ay doonayaan in ay lacag ka sameeyaan si ay saxiixiyo kale ugu samayn karaan.

Real Madrid ayaa hadda u muuqata in ayna heli karin Pual Pogba kadib markii ay Man United u sheegtay in aanu kooxdeeda iib ka ahayn ama ay bixiyaan 150 milyan gini oo qadimaad ah, waxaya hadda u muuqataa in Christiano Eriksen uu noqon doono xidiga xidga ee Bernabeu soo gaadhi doona.

Riix 2,3 si aad xogta iyo shaxaha macquulka oo dhan u akhrisato.

5 Comments

  1. waxan qabaa in hadii uu sidaan isticmaalo zidane in at real galidoonto xiliciyaareed kii hore kasii xun waayo waxaa meesha ka maqan kubad joogiye aniga waxan aaminsanahy in luko jovic uusan real anficidoonin waxaana midaas kuu dhahaayaa waa ciyaaryahan aan inta badan joogin weerarka taas oo difaacdayada kasoo horjedo real faaiido u ah hadii zahard bnzema iyo vasquez loo daayo waa mid wanagsan iyo in marcelo lagu badalo mendy

    • wxaad doorateen shax aan ku salays nayn aftidii jamahiirta kooxda maydina ku dabaqin khibrad dad dawan jiry kooxda
      Tusaale wxd ka dhigten bilaa burburiye Eriksan kama ciyaaro 6 wxuu ka ciyraa 10 wxuu booska kla bixi kraa modrich
      Mida kle jovic waa weerar dhamaystiran yacni waa No:9 maaha baal

  2. Waxan qaba shaxda barcelona ku soo gelayso inay mel ka khaldan thy wayo hadu ka baxo ninka rakitic la dhaho wey u dhamaty kooxda waayo waa nin kubadaha dhexda isku xidha kubadahana soo reeba marna u dhalya ta kale barcelona weli difaci wxaba kamay bedelin wayo waa halkay ka lidato waana difaci malabka iska aha ee liverpool cidlada ka heshay ee kubadaha isku khaldayay wan inay difac cusub kensato shaxdedu werar bay u badan thy taasna barca dhexda lagala warehaya waxaba tarimayan shaxdan werarka keliya ah waa in suarez la fadhisyo oo nin dhexa la keno , realmadridna hadu casemiro ka baxo iyaduna waa booskay ka burburay waayo naadigaba kubadaha werarka ahba isaga jojiya lkn inta kale wuu ku saxsan yhy zidane bedelo fcna wuu u haysta hadu kensado Eriksen nin hawl yar maha waa mshin kubadaha daadinaya hadana samaynaya dhalinaya kaas kabtisa waxba lagama qaban karo waa dhex caalam haday eal gulaysaty hady kaas hesho waayo modric baa gabobay beryhn dambe finish noqfay sidii u ballon d’or u qaatay mala bilada uu ku gulaysty baa waxa yeshay

  3. MACQUUL ma.ahan adiga maadan haysan khibrad ciyaared see casemiro u badalaaa eriksen ……….. modric ayaa eriksen badal u noqon karaa ….. teeeda kale jovic waa no.9 buuxda see garab weerar u geysay ..kkkk.macquul ma.ahan

Comments are closed.