Real Madrid Vs Barcelona- Dagaalka Suuqa Ee Los Blancos & Blaugrana Oo Bilawday Iyo Dani Ceballos Oo Kala Dooranaya Bernabeu Iyo Camp Nou.

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa bilaabay dagaalka suuqa kala iibsiga ciyartoyda waxayna si xoogan ugu dagaalamayaan da’yarka xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Betis ee  Dani Ceballos kaas oo wacdaro ka dhigaya tartamaya Euro U21 ee dalka Poland ka socda. Dani Ceballos ayaa xulka qarankiisa Spain u soo saaray finalka Euro U21 wuxuuna haystaa fursada uu ku kala doorto Santiago Bernabeu iyo Camp Nou.

Labadii sano ee la soo dhaafay Real Madrid ayaa xiiso ka muujinaysay saxiixa Dani Ceballos oo ka tirsan kooxda Real Betis waxaana sanadkii hore heshiiskiisa Real Betis lagu burburin karayay 12 milyan oo gueros balse waxaa muran dhalisay shirkada Bahia oo xidigan maamusha taas oo keentay in Real Madrid ay hoos u dhigtay xiisihii ay u qabtay.

Laakiin markii ay Real Madrid ka war heshay in Barcelona ay xiisaynayso saxiixa Dani Ceballos ayay markiiba bilawday in ay si xoogan uga hawl gasho soo xero galinta mid ka mid ah da’yarta Spain ugu fiican ee Dani Ceballos kaas oo waqti fiican ku qaadanaya xulka qarankiisa da’yarka ah.

Kadib markii uu bandhigi fiican sameeyay ayay kooxda Real Betis sarre uqaaday lacagta heshiiska Dani Ceballos lagu burburin karo kadib markii ay qandaraas cusub ku abaal marisay waxaana hadda lagu iibsan karaa 15 milyan oo gini iyada Real Madrid maalmihii ugu danbeeyay si wayn loola xidhiidhinayay in marka uu tartanka Euro U21 uu soo dhamaado ay xidigan la wareegi doonto.

Laakiin wargaysyada Marca iyo Sport ee Spain ka soo baxa ayaa shaaciyay in Dani Ceballos uu ka dhexeeyo kooxaha Real Madrid iyo Barcelona iyada oo waliba wargayska Marca uu sheegay in Real Madrid ay doonayso in Dani Ceballos ay la soo wareegto isla markaana ay amaah dib ugu celiso isla kooxda uu ka tirsan yahay ee Real Betis.

Laakiin sida warbixintan lagu sheegay Barcelona ayaa doonaysa in ay Dani Ceballos la soo wareegto isla markaana uu fursad ka helo kooxda kowaad iyada oo waliba maalinta ugu horaysa ee xili ciyaareedka la siin doono fursad uu kooxda kowaad kaga soo muuqan karo.

Barcelona ayaan doonayn in ay ku dhacdo xaaladii ay Real Madrid ugu wayday saxiixyada Marco Aseniso iyo Theo Hernandez waxayna doonaysaa in mid ka mid ah ciyaartoyda hibada khaaska ah leh ee dalka Spain in ay keensato Camp Nou inkasta oo ay Real Madrid si xoogan ugu tartamayaan. Dani Ceballos ayaa sheegay in uu ogyahay halka uu mustaqbalkiisu yaalo balse wuu ka gaabsatay in uu kala cadeeyo.

However the midfielder’s stonking performances at the European Under