Real Madrid & PSG Oo Ku Dagaalamaya Goolhaye David De Gea Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Xili ciyaareedkan 2018/19 ayaa dhamaad ku sii siqiya waxaana lagu soo dhawaanaya waqtiga uu sida rasmiga ah u furmi doono suuqa kala iibsiga xagaaga laakiin inta aan la gaadhin suuqa waxay kooxaha Yurub sii sahaminayaan saxiixyada ay samayn karaan iyo meelaha ay tahaay in ay iska soo xoojin karaan boosaska ay u arkaan in ay shaqo uga baahan yihiin.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo koobinaynaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo axad ah.

Gudoomiyaha kooxda Spurs Daniel Levy ayaa doonaya inuu 130 Malyan oo Pound ka helo Real Madrid si ay uga qaataan xiddigooda reer Denmark Christian Eriksen oo 27-jir ah. (Mirror)

Wakiilka xiddiga khadka dhexe Man United Paul Pogba ee Mino Riola ayaa laba jeer taleefoonka kala sheekeystay maamulka Madrid iyadoo laga wada hadlay sida xiddigaan 26-jirka ah loogu dhaqaajin lahaa Spain. (MEN)

Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa u sheegay Paul Pogba inuu doonayo imaatinkiisa Santiago Bernabeu, wuxuuna ka dhawaajiyay inuusan ogeyn sababta uusan xiddigaan u dooneynin inuu imaado Madrid. (Mirror)

Paris Saint Germain ayaa dooneysa iney bixiso mushaaraadka uu dalbaday David de Gea, xiddiga reer Spain wuxuu doonayaa 350,000 kun isbuucii, 28-jirkaan ayaa ka tagaya Red Devils hadii aysan bixin lacagta uu rabo. (The Sun)

Real Madrid ayaa dhankeeda ka qiimeyneysa hadii ay PSG kula biireyso loolanka goolhaye David de Gea, halka kooxda Juventus ay qudheeda isha ku heyso hormarka xiddigaan. (Express)

Chelsea ayaan qorsheyneynin iney ilaa iyo xagaaga wadahadal la furto garabkooda da’da yar ee Callum Hudson-Odoi, markaasna 1-sano ayaa xiddigaan 18-jirka ah kaga haraya qandaraaska uu kula jiro Blues. (Mail)

Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa doonaya iney la saxiixdaan 22-jirka reer England iyo kooxda Foxes Ben Chilwell kaas oo lagu qiimeeyo 50 Malyan oo Pound. (The Sun)

Tababare Maurizio Sarri ayaa ah dooqa koowaad ee Roma, haatan macalinkii hore Leicester City iyo Chelsea ayaa xilka haya kaas oo ilaa dhamaadka fasalkaan loo idmaday hawsha kadib markii la ceyriyay Eusebio di Francesco. (Express)

Man United ayaa sii xoojineysa qorshaha ay kula soo saxiixaneyso ciyaartoyda da’da yar, waxeyna markaan doonayaa 21-jirka Crystal Palace Aaron Wan-Bissaka, waana mid ka mid ah xiddigaha ay sida weyn u dooneyso. (Mail)

Inter Milan ayaa ogolaatay iney mushaarka u kordhiso daafacooda Milan Skriniar, 24-jirkaan ayey doonayaan iney ku hayaan San Siro, tani waxey timid kadib markii kooxaha Man United, Liverpool, Chelsea & Man City ay xiiso usoo bandhigeen. (Mirror)