Real Madrid Oo Xasuuqday Victoria Plzen, Man City Oo Burbursatay Shakhtar, Gabriel Jesus Oo Saddexley Dhaliyay Iyo Karim Benzema Oo Laba Gool Ku Baashaalay.

Kooxaha Real Madrid iyo Manchester City ayaa xasuuqyo waa wayn u gaystay kooxaha Victoria Plzen iyo Shakhtar sida ay u kala horeeyaan iyada oo Madrid 5-0 ku xaaqday kooxda Victoria Plzen isla markaana ay Man City nus darsin goolal ah ku gumaaday kooxda reer Ukraine ee Shakhtar.

Real Madrid ayaa guusheedii saddexaad oo xidhiidh ah ee tartamada oo dhan gaadhay tan iyo markii shaqada laga caydhiyay Julen Lopetegui isla markaana uu si ku meel gaadh ah ula wareegay Solari waxaana Madrid guushan wayn ku hogaamiyay Benzema oo laba gool dhaliyay, Bale, Casemiro iyo Kroos oo min hal gool raacsaday.

Dhinaca Manchester City waxaa saddexley goolal ah kulankan ka dhaliyay Gabriel Jesus halka Raheem Sterling, David Silva iyo Riyad Mahrez ay min hal gool dhaliyeen.

SHIXIHII MAN CITY VS SHAKHTAR:

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Oleksandr Zinchenko, Aymeric Laporte, John Stones, Kyle Walker; David Silva, Fernandinho, Bernardo Silva; Raheem Sterling, Gabriel Jesus, Riyad Mahrez.

Kaydka:Leroy Sane, Danilo, Nicolas Otamendi, Ilkay Gundogan, Fabian Delph, Sergio Aguero, Arijanet Muric.

SHAKHTAR DONETSK (4-2-3-1): Andriy Pyatov; Mykola Matvyenko, Sergey Krivtsov, Yaroslav Rakitskiy, Ismaily; Taras Stepanenko, Maycon; Taison, Viktor Kovalenko, Sergiy Bolbat; Moraes.

Kaydka:  Alan Patrick, Dentinho, Bogdan Butko, Davit Khotcholava, Wellington Nem, Oleksiy Shevchenko, Olarenwaju Kayode.

Daqiiqadii 13 aad Manchester City ayaa la timid goolkeeda furitaanka ee ay xaalad xun ugu abuurtay kooxda martida u ahayd ee Shakhtar waxaana goolkan u saxiixay David Silva oo kubbad caawin ka helay xidiga Sky Blues sida fiican ula qabsaday ee Riyad Mahrez waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Sky Blues hogaanka kula wareegtay.

Daqiiqadii 24 aad rekoodhe waali ah!! Garsoorihii kulankan hayay ayaa cid kasta kaga yaabiyay gool waali ah oo uu Raheem Sterling ugu abaal mariyay rekoodhe iyada oo waliba Sterling uu kubbada kula soo baxay goolka Shakhtar laakiin kubbadii uu shabaqa ugu darbaynayay ayuu dhulka ku dhuftay waxaana lagu abaal mariyay rekoodhe iyada oo garsooruhu isku qanciyay in Matvyenko uu taabasho qalad sameeyay taas oo aan ahayn wax dhab ah. Daawo dhacadan yaabka leh.

Waxba kamay galin haddii uu garsooruhu saxsanaa iyo haddii kale ee waxaa kubbada qaatay Gabriel Jesus kaas oo kooxdiisa Man City u saxiixay goolka labaad ee goolka hadiyad ah ka helay garsooraha ciyaarta wuxuuna Gabriel Jesus ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Man City hogaanka ku dheeraysatay balse waxay ahayd nasiib daro garsooraha iyo Shakhar ku habsatay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay Man City hogaanka ciyaarta ku haysay balse waxaa natiijada ciyaarta hadheeyay goonka lama filaanka ahaa ee Sterling oo dhulka laagay rekoodhe loogu abaal mariyay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Man City halkeeda ka sii watay in ay cadaadiska sii saarto Shakhtar waxayna kooxda Guardiola markiiba bilawday in ay goolal kale raadiso.

Daqiiqadii 48 aad Manchester City ayaa ciyaarta si dhab ah u dishay kadib markii uu Raheem Sterling si layaableh iskaga dhaafay difaacyada kooxda Shakhtar kadib markii uu kubbad ka soo qaatay  Zinchenko oo caawinta goolkan loo qoray, wuxuuna Sterling ciyaarta ka dhigay 3-0 ay Sky Blues ku horayso.

Daqiiqadii 72 aad Manchester City ayaa goolkeeda afraad kula timid rekoodhe labaad oo lagu abaal mariyay balse markan waxa uu ahaa rekoodhe cadaan ah waxaana markale kubbada qaatay isla markaana goolkan ku dhaliyay Gabriel Jesus kaas oo ciyaarta ka dhigay 4-0 ay City ku gumaadayso Shakhtar.

Daqiiqadii 84 aad Manchester City ayaa sii ceebaysay Shakhtar waxayna la timid goolkeeda shanaad iyada oo Riyad Mahrez oo gool caawinta Sky Blues bilaabay uu markan shabaqa soo taabtay wuxuuna caawin ka helay  Gündoğan oo ciyaarta ka badal ku soo galay waxayna ciyaartu noqotay 5-0 ay City ku xasuuqayso Shakhtar.

Dhamaadkii ciyaarta Gabriel Jesus ayaa dhamaystirtay saddexlayda goolasha ah ee uu kulankan ka dhaliyay isaga oo caawin ka helay Rihad Mahrez oo kulankan isku muujiyay waxayna ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 6-0 ay Man City ku burburisay Shakhtar.

Bogga 2-aad Ka Akhriso Warbixinta Kulanka Real Madrid Iyo Plzen.