Real Madrid Oo Weeraryahan Cusub Doonaysa Xagaaga, Erling Haaland Oo Bar-Tilmaameed U Ah & Hubka Ka Caawin Kara Inay Si Fudud Ku Hesho.

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegayaa inay suuqa xagaaga u gali doonto si ay weeraryahan cusub gacanta ugu soo dhigto iyagoo bar-tilmamaeedkooda koowaad ka dhigtay da’yarka Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland.

Real ayaa ku fashilantay inay goolal badan dhaliso xilli ciyaareedkan iyagoo kaliya ku tiirsan Karim Benzema walow ay suuqii xagaaga ee 2019 lacag 62 Milyan oo Pound ah kula soo saxeexdeen Luka Jovic.

Sida lagu sheegay wargeyska Marca, Tababare Zinadine Zidane ayaan sidoo kale wax kalsooni ah oo weyn ku qabin weeraryahan Mariano Diaz oo qudhiisa dookh kale ah.

Xaqiiqada ah in Benzema oo ah weeraryahanka koowaad uu abaar kusoo jiray oo uu kaliya hal gool soo dhaliyay toddobadii kulan ee ugu dambeeyay ayaa Los Blancos ka dhigtay kuwo go’aansada inay weeraryahan cusub suuqa u galaan.

Haaland oo ah xiddiga ay ishaaratay Madrid ayaa heshiiskiisa lagu jabin karaa 63 Milyan oo Pound taas oo ka dhigan in lagu heli karo qiimo ka hooseeya midkiisa suuqa kala iibsiga.

Hubka ugu weyn ee ay kooxda ree Spain u adeegsan karto soo xero-galinta Haaland ee u fududaynaysa ayaa ah inuu Achraf Hakimi qaab amaah ah ugu joogo Borussia Dortmund isla markaana ay heshiiska Haaland ku dari karayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Wakiilka Haaland ee Mino Raiola ayaa shaaca ka qaaday dhawaan inuu doonayo inuu ciyaartoy weyn geeyo Real Madrid dhawaan.