Real Madrid Oo War Amakaak Ku Ah Uu U Soo Yeeray Iyadoo Kabtankooda Uu Doonayo Inuu Kooxda Ka Tago

Barnaamijka El Chiringuito ayaa baahiyay war amakaak ku noqday Real Madrid iyagoo sheegay in kabtankooda Sergio Ramos uu ka fiirsanyo inuu kooxda isaga tago.

El Chiringuito ayaa sheegtay in kabtan Sergio Ramos uu su’aal gelinayo mustaqbalkiisa Real Madrid.

Ramos ayaa si dhab ah uga fekeraya mustaqbalkiisa iyo haddii uu aqbalayo dalabyada badan ee uga imaanaya kooxaha ugu muhiimsan ee kubada cagta Yurub.

Sababta ka danbeysa in Ramos uu shaki geliyo mustaqbalkiisa Real Madrid ayaa ah wadahadal uu ciyaaryahanka la yeeshay madaxweynaha Los Blancos Florentino Perez ka dib markii ay ka hareen Champions League kulankii Ajax ee Santiago Bernabeu.

Ilaa iyo hadda lama oga go’aanka rasmiga ah ee uu qaadan doono Sergio Ramos laakiin waxa ay dhabarjab weyn ku noqon doontaa Real Madrid haddii kabtankooda uu ka baxo albaabka.

Real Madrid ayaa waxaa soo maray xilli ciyaareed aad u xun, waxaana xagaagan la filayaa inay dib u habeyn isku sameeyaan sidoo kalena ceshataan xiddigahooda ugu muhiimsan.

Ramos ayaa ah hogaamiyaha kooxda, waana shaqsi awood weyn ku leh qolka labiska kooxda taasoo muhim u ah tababare Zidane iyo inuu afkaartiisa u gudbiyo ciyaartoyda kooxda.

Dhanka kale Real Madrid ayaa weli ka shaqeyneysa sidii ay xiddigo waa weyn kooxda ku keeni laheyd iyadoo lala xiriiriyay Eden Hazard iyo Paul Pogba, halka ay sidoo kale doonayaan inay u dagaal galaan midkooda xiddigaha PSG ee Neymar iyo Kylian Mbappe.