Real Madrid Oo Ugu Hambalyeysay Atletico Madrid Gushii Koobka Europa League

Kooxda kubadda cagta reer Spain ee Real Madrid ayaa hambalyo u dirtay naadiga ay isku magaalada yihiin ee Atletico Madrid oo ku guuleysatay tartanka Europa League.

Los Colchoneros ayaa 3-0 ku burburisay Marseille ciyaartii finalka Europa League oo ka dhacday magaalada Lyon ee waddanka Faransiiska, halkaas oo goolasha ay u kala dhaliyeen Griezmann oo laba shabaqa taabsiiyey iyo Gabi oo goolka saddexaad ku niyad-jabiyey taageereyaasha waddankooda joogay.

Haddaba, Real Madrid oo iyaduna finalka Champions League dhamaadka bishan la ciyaari doonta Liverpool, ayaa farriin ay ku baahisay barteeda Twitterka waxay hambalyo ugu dirtay Atletico Madrid.

Farriinta Real Madrid oo koobnayd ayaa waxa lagu yidhi: “Hambalyo Atleti guusha koobka Europa League ee aad caawa ku gaadheen Lyon”

Ka sokow farriintan hamblyada ah, labada kooxood ee Real Madrid iyo Atletico Madrid waxa ka dhaxaysa xafiiltan ciyaareed iyo colaad raagtay, taas oo laga dareemo ciyaarahooda.

 

 

1 Comment

Comments are closed.