Real Madrid Oo Ugu Dambayn Xalisay Mustaqbalka Luka Modric Xilli Lagu Heshiiyay In Mushahaarka Modric La Gaadhsiiyo Midka Kabtan Sergio Ramos.

Kooxda Real Madrid ayaa u muuqata mid ugu dambayn iska xalisay sheekadii maalmihii ugu dambeeyay wer-werka ku haysay ee Luka Modric kaas oo si xawli ah loola xidhiidhinayay kooxda Inter Milan ee horyaalka Serie A.

Real oo intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ee xagaagani cabsi iyo sas ka qaaday qaabkii uu kooxdeeda uga baxay Cristiano Ronaldo kaas oo aduun dhan 106 Milyan ugu biiray kooxda Juventus ayaa si weyn uga cabsi qabtay inay markale waydo xiddig muhiim ka ah kooxdeeda.

Maamulka kooxda ayaa Modric u arkay xiddig muhiim u ah kooxdooda sanadaha soo socda iyagoo xiddigan ku abaalmariyay qaab ciyaareedkii heerka sarre ahaa ee uu kooxda kusoo caawinayay sanadihii ugu dambeeyay iyo waliba qaabkii wacnaa ee uu uga soo dhalaalay tartankii koobka aduunka ee ka dhacay dalka Ruushka.

Haddaba madaxda sarre ee Los Blancos oo sidii aanu hore idiinku soo gudbinay shalay oo jimce ahayd kulan fool ka fool ah la qaatay 32 jirkan ayaa lasoo warinayaa inay xiddiga isla meel dhigeen in loo sameeyo mushahaar kordhin si uu kooxda baaqi ugu sii ahaado.

Mushahaar kordhinta loo samayn doono Luka ayaa ah mid gaadhsiin doonta mushaharka uu kooxda ka qaato kabtan Sergio Ramos waxaana ay si wadajir ah u noqon doonaan labada shaqsi ee kaalinta labaad kaga wada jira xiddigaha ugu mushahaarka badan kooxda, Ramos iyo Modric ayaa kaliya ka mushahaar hoosayn doona weeraryahanka kooxda ee Gareth Bale.

Ugu dambayn, Warkan ayaa ah mid meel saaraysa sheekadii taxanaha soo ahayd maalmihii ugu dambeeyay ee sida joogtada ah Modric ula xidhiidhinaysay kooxda Inter Milan, Modric ayaana haatan isku diyaarinaya sidii uu xilli ciyaareed kale oo farxad leh ula qaadan lahaa Los Blancos iyo tababaraha cusub ee Julen Lopetegui.