Real Madrid Oo Sanado Badan Kadib Halis Ugu Jirta In Ay Guruubka dhimshada Champions League Ka Soo Muuqato.

Kooxaha Pot1 Ku Gali Kara Isku aadka UCL
Kooxaha Pot1 Ku Gali Kara Isku aadka UCL

Guruubka dhimshada isku aadka Champions League ee heerka guruubyada waxaa xili ciyaareed kasta ka soo muuqda kooxo waa wayn laakiin Real Madrid ayaa sanadihii la soo dhaafay ka badbaadaysay.

Real Madrid ayaa sanado badan kadib markii ugu horaysay halis ugu jirta in ay isku aadka Champions League ka gasho guruubka dhimashada.

Sanadihii la soo dhaafay Real Madrid ayaa markastaba ku jirtay Pot1 oo ah qaybta ay galaan kooxaha ku soo guulaysta Champions League, Europa League iyo koobabka horyaalada Yurub ugu waa wayn.

Laakiin Real Madrid oo sanadkan ku dhamaysatay kaalinta saddexaad ee horyaalka La Liga waxay muddo dheer markii ugu horaysay arkaysaa iyada oo ku jirta Pot2 ee isku aadka heerka guruubyada UEFA Champions League.

Zinedine Zidane iyo kooxdiisa Real Madrid ayaa isku aadka xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020 ee Champions League waxay ku aadi karaan qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu waa wayn.

Atletico Madrid ayaa iyaduna Real Madrid kala mid ah in ay guruubka dhimashada ee heerka guruubada Champons League la kulmi karto maadaama oo ay ka maqan tahay kooxaha Pot 1 ee guruubyada hogaamin doona.

Kooxaha Barcelona,Manchester City, Juventus, Bayern Munich, Paris Saint-Germain iyo Zenit Saint Petersburg ayaa haddaba si rasmi ah u xaqiijistay booskooda Pot1 ee guruubyada Champions League hogaamin doona.

Waxaa Pot 1 dhamaystiri doona Liverpool ama Tottenham midkii ku guulaysa Champions League si la mid ah Chelsea iyo Arsenal midkii hanta Europa League.

Waxay tani la micno tahay in Real Madrid ay heerka guruubyada Champions League isku aadki karaan mid ka mid ah kooxaha Manchester City, Juventus, Bayern Munich, Paris Saint-Germain iyo Zenit Saint Petersburg.

Kooxaha Pot1 Ku Gali Kara Isku aadka UCL
Kooxaha samayn kara Guruubka dhimshada isku aadka Champions League

Waxaa lagu dari doonaa labada kooxood ee Champions League iyo Europa League ku guulasan doona oo noqon kara Liverpool, Tottenham, Arsenal ama Chelsea.

Real Madrid waxay isku aadka Champions League kaga qayb gali doontaa iyada oo ku jirta Pot 2 taas oo la micno ah in ay  sidoo kale kooxo adag kala kulmi karto Pot 3 oo ay qaar ka mid ah kooxaha awood leh ee Yurub ku jiraan.

Inta badan kooxaha Pot 1 ku jiraa waxay helaan fursado ka fiican kooxaha Pot 2  waana sababta ay xili ciyaareedka cusub Madrid uga walwali karto in ay guruub adag ku waji doonto heerka groupyada Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa guruubka dhimashada noqon karta Group ay ku wada jiraan Real Madrid-Juventus, Real Madrid-PSG, Real Madrid-Liverpool, Real Madrid, Bayern Munich, Real Madrid-Man City, Real Madrid-Chelsea, Real Madrid-Arsenal oo dhamaantoodba suurtogal isku aadka ka noqon kara.

1 Comment

Comments are closed.