Real Madrid Oo Samayn Doonta Ugu Yaraan Laba Saxiix Oo Waaweyn Si Ay Badal Ugu Noqdaan Cristiano Ronaldo & Los Blancos Oo Dookheeda Kusoo Koobtay Kaliya Afar Xiddig.

Kooxda Real Madrid ayaa dhawaan weeraryahankeedii Cristiano Ronaldo u ogolaatay inuu ku biiro dhinaca kooxda ree Talyaani ee Juventus laakiin Los Blancos waa inay ugu yaraan samayso laba saxiix oo waawayn amaba saxiixyada loo yaqaan “Galaticos” waxaana ay markan dookheeda kusoo koobtay kaliya afar xiddig oo ay u aragto badalka ugu macquulsan ee Ronaldo.

Florentino Perez, Madxweynaha Real Madrid ayaa la aaminsan yahay inuu qayb weyn ka qaatay bixitaanka Cristiano Ronaldo maadama oo uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo xiddiga balse haatan waxa la filayaa in Perez uu isku dayi doono inuu helo badalka xiddigii hore ee Manchester United.

Haddaba afarta xiddig ee kooxdu dookheeda kusoo koobtay ayaa kala ah Neymar JR, Kylian Mbappe, Eden Hazard & Harry Kane waxaana dookha koowaad ee kooxda ah Neymar JR kaas oo ah xiddiga uu inta ugu badan danaynayo madaxweyne Perez laakiin xiddiga ree Brazil ayaa haddii uu doonayo inuu yimaado Madrid u baahan doona inuu qaato go’aan lamid ah midka uu Ronaldo ku aaday Juve isla markaana uu si cad ugu sheego madaxa Paris ee Nasser Al-Khelaifi inuu bixitaan doonayo.

Dhinaca kale da’yarka koobka aduunka wacdaraha ka dhigaya ee Kylian Mbappe ayaa noqon doona dookh kale oo ku adkaan kara Los Blancos si ay ula saxiixato iyadoo la filayo in xiddigu uu mudo kusii sugnaado dalkiisa si uu u gaadho qaar kamid ah riyooyinkiisa.

Dhinaca kale, Eden Hazard ayaa u muuqda inuu yahay shaqsiga ugu macquulsan ee iman kara kooxda gudaha xilli suuqan isaga oo dhawr jeer oo hore si dadban u sheegay inuu doonayo ku biirista kooxda difaacanysa Champions League halka Chelsea ay iibin doonto haddii ay hesho dalab macquul ah.

Harry Kane oo sidoo kale kamid ah xiddigaha uu aadka u daneeyo Florentino Perez ayaa laba sababood ku seegi kara imaatinka Madrid, Waa mida koowaade in Los Blancos ay ka cabsato in xiddigu kasoo dhalaali waayo horyaalka La Liga sida ku dhacday imbadan oo ciyaartoyda Ingiriiska ah oo hore uga soo ciyaaray iyo sababta labaad oo ah in madaxa kooxda Tottenham ee Daniel Levy uusan dhayl ku fasixi doonin weeraryahanka kooxdiisa.

Haddaba qofkasta oo kamid ah jamaahiirta kooxda iyo madaxda sarre ee kooxda ayaa dhammantood Perez ka filanaya inuu samayn doono saxiixyo waawayn sidii looga bartay walow uu suuqa kala iibsigu haatan sidii hore ka adkaaday isla markaana ay adagtahay sida lagula saxeexdo ciyaartoy weyn.

Ugu dambayn, ma jiro xiddiga balan qaadaya inuu sanad kasta dhalinayo 50 gool sidii Cristiano Ronaldo balse tababaraha cusub ee kooxda ee  Julen Lopetegui ayaa raadin doona sidii uu waxa ugu badan ugala soo bixi lahaa xiddigaha weerarka ee uu haatan ku haysto kooxda laakiin waxa hubaal ah in ugu yaraan laba saxiix oo weerar ah oo cusub uu u baahan doono.