Real Madrid Oo Qarka U Saaran Saxeexeedii LIXAAD Ee Xagaagani, Booska Uu Ka Xoojin Doono & Lacagta Uu Ugu Soo Wareegayo.

Kooxda Real Madrid oo horeba shan saxeex oo waaweyn uga soo samaysay suuqa xagaagan ayaan wali ka faaruqin suuqa waxaana ay haatan diirada ku hayaan saxeexoodii lixaad oo u noqonaya khadka dhexe ee kooxda Ajax ee Donny Van de Beek.

Khadkan dhexe ee ree Holland ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay si joogto ah loola xidhiidhinayaa inuu ka dagi doono Estadio Santiago Bernabeu kaddib markii ay Madrid ku fashilantay bar-tilmaameeyadeedii koowaad.

Paul Pogba oo dookha koowaad u ahaa tababare Zidane ayaa u muuqda mid ku negaadaya Man United halka Los Blancos aysan wax xiiso ah u muujinayn khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Christian Eriksen.

SIDOO KALE AKHRISO:  Muxuu Neymar Jr Ula Jeeday Qoraalkan Uu Baraha Bulshada Soo Dhigay Ee Uu Ka Soo Qaatay Bob Marley?

Iyadoo uu suuqa kala iibsiga ee qaarada Yurub xidhmayo 2-da bisha September, Real Madrid ayaa rajaynaysa inay ganacsi samayso tan iyo wakhtigaas walow uu horyaalka La Liga si rasmi ah u bilaabmayo 16-ka bishan August.

Dhawaan ayay ahayd markii Van de Beek uu si cad saxaafada ugu sheegay in mustaqbalkiisa wax ku saabsan lagala xaajoonayo kooxdiisa Ajax isla markaana uu rajaynayo in waxkasta ay si dhakhso ah kusoo dhammaan doonaan.

Van de Beek oo u warramaya Football Espana ayaa yidhi “Maaha wax sir ah in mustaqbalkayga lagala xaajoonayo Ajax, Wadahadalo ku saabsan dhaqaaqis suurogal ah ayaa soconaya, Waxaan ku rajo weynahay inaanu dhammaad gaadhi doono sida ugu dhakhsaha badan”

SIDOO KALE AKHRISO:  Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Maanta Oo Salaasa Ah Qoreen Wargeysyada Yurub

Ajax ayaa lagu soo warramayaa inay Real Madrid ka dalbanayso 45 Milyan oo euro haddiiba ay doonayso iibka Donny oo kamid ahaa jiilkii da’ yarta u badnaa ee kooxdaas wacdaraha usoo dhigay xilli ciyaareedkii hore.