Real Madrid Oo Muuqaal Hal Daqiiqo Ka Yar Ku Soo Koobtay Gool Dhalinta Cajiibka Ah Ee Kabtankeeda Sergio Ramos Iyo Xogta La Soo Raaciyay.

Kooxda Real Madrid ayaa shabakada rasmiga ah ee kooxdeeda waxay ku soo daabacday warbixin iyo muuqaal kooban oo khaas u ah kabtanka kooxdeeda ee Sergio Ramos kaas oo warbixintan lagu cadeeyay in uu jabiyay rekoodh isaga hore ugu yaalay isla markaana uu galay gool dhalintiisii abid ugu badnayd ee hal xili ciyaareed.

Sergio Ramos ayaa gool ka dhaliyay kulankii Madrid Derby ee Atletico Madrid wuxuuna xili ciyaareedkan noqday xidiga ugu muhiimsan ee Real Madrid u tuura rekoodhayaasha isaga oo waliba qaab qurux badan u soo tuurayay isla markaana waxa uu si dhab ah u buuxiyay booskii Cristiano Ronaldo ee rekoodhe tuurista Madrid.

Sergio Ramos ayaa hadda soo dhaliyay 11 gool oo tartamada oo dhan ah wuxuuna dhaafay 10 gool oo uu naftiisa rekoodhe uu soo dhigay xili ciyaareedkii 2016/17 kii markaas oo soo bandhigay xili ciyaareedkiisii uu goolasha ugu badan soo dhaliyay.

Laakiin iyada oo aanu xili ciyaareedkan waxba ka dhawayn waxa uu Sergio Ramos soo dhaliyay 11 gool oo tartamada oo dhan ah wuxuuna kaga horeeyaa gool dhaliyaal badan oo kooxaha waa wayn ee Yurub ka tirsan si la mid ah kuwo ay isku kooxda Madrid yihiin.

Sergio Ramos ayaa xili ciyaareedkan horyaalka La Liga ka soo dhaliyay 6 gool wuxuuna Copa Del Rey ka soo dhaliyay 3 gool halka uu min hal gool ka soo dhaliyay UEFA Super Cup iyo Club World Cupka taas oo la micno ah in Champions League oo kaliya aanu wax goolal ah ka soo dhalin.

Sergio Ramos ayaa soo dhaliyay siddeed rekoodhe oo kooxdiisa Madrid uu xili ciyaareedkan u tuuray halka saddex gool oo kale uu madax ku soo dhaliyay.

Sergio Ramos ayaa sidoo kale waxa uu kulankii Atletico Madrid saftay kulankiisii 414 aad ee tartanka La Liga wuxuuna soo barbareeyay Camacho  wuxuuna ka mid noqday siddeeda ciyaartoy ee Real Madrid kulamada ugu badan uga saftay horyaalka La Liga.

Sergio Ramos oo xili ciyaareedkiisii 14 aad ku qaadanaya Real Madrid ayaa guud ahaan u soo dhaliyay 59 gool  isaga oo kulankiisii ugu horeeyay ee Madrid Santiago Bernabeu kaga soo muuqday kulankii Celta Vigo ee September 10,2005 kii.

Liiska Ciyaartoyda Real Madrid kulamada ugu badan Uga Soo Ciyaaray La Liga: Raúl (550), Sanchís (523), Casillas (510), Santillana (461), Hierro (439), Gento (427), Pirri (417), Ramos & Camacho (414) , Míchel (404).

Haddaba halkan Hoose Ka daawo Muuqaalka 47 ilbidhiqsi ah ee ay Real Madrid ku soo koobtay gool dhalintii kabtankeeda Ramos ee Xili ciyaareedkan.