Real Madrid Oo Mushahar Ay Adagtahay In La Diido Miiska U Saartay Neymar JR & Haddii Uu Ugu Dambayn Go’aansaday Inuu Barcelona Dhabarka U Jeediyo.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay mushahar aad u heer sarreeya u bandhigtay garabka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar JR kaas oo ay saxeexiisa maalmihii ugu dambeeyay kula dagaalamaysay Barcelona.

Barcelona ayaa inta ugu badan xagaagan ay saxaafadu la xidhiidhinaysay inay dib ula soo wareegi doonto 27 jirkeedii hore balse waxa maalmihii ugu dambeeyay tartanka soo gashay kooxdan ay sida ba’an u xifaaltamaan.

Real Madrid ayaa ka war qabta sida aysan marnaba xidhiidh fiican u lahayn Barcelona iyo PSG waxaana ay iyaga oo ka faa’idaysanaya midaas xilli horeba dalab 110 Milyan oo euro oo lagu daray Luka Modric ah u direen dhinaca caasimada France.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Maanta Oo Arbaca Ah Qoreen Wargeysyada Yurub

Haatan wargeyska kasoo baxa magaalada Barcelona ee Sport ayaa sheegaya in Madrid ay u tafo xaydanayso sidii ay heshiiska shaqsiga ah kula gaadhi lahayd Neymar.

Sport ayaa xusaya in Los Blancos ay xiddigan miiska u saareen mushahar uu sanadkii ku qaadan doono 40 Milyan oo euro isla markaana uu shan sano u saxeexi doono haddiiba uu ogolaado imaatinka Estadio Santiago Berbabeu.

Neymar ayay ka go’antahay inuu ka tago Paris gudaha xagaagan waxaana loo badinayaa inuu kulanka furitaanka ee horyaalka Ligue 1 uusan ciyaari doonin isaga oo wali riixaya qorshaha uu PSG kaga baxayo.

Wariyaha il wareedka RMC ee lagu magacaabo Fred Hermel ayaa sheegay in tababaraha Real Madrid ee Zinadine Zidane uusan jeclayn shaqsiyaadka Neymar ku dhaw dhaw ee garabkiisa ah balse uu isaga la dhacsan yahay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Xiddig Juventus Ah Oo Arsenal U Wareegi Kara Xataa Markuu Suuqu Xidhmo & LABA Kooxood Oo Uu Diiday Si Uu Gunners Ugu Biiro!!.

Los Blancos ayaysan baahidooda ugu weyni ahayn saxeexa weeraryahan balse markii hore doonaysay Paul Pogba oo Manchester United ka tirsan walow ay u muuqdaan kuwo haatan ka quustay saxeexiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Wararka ayaa sheegaya in Neymar oo haatan helay qorshaha ay Real Madrid la damacsantahay uu sidoo kale sugayo waxa ay usoo bandhigi doonto Barca oo ah kooxda uu isagu shaqsiyan u doonayo.