Real Madrid Oo Kulan Fool Ka Fool Ah La Yeelanaysa Xiddiga Mustaqbalkiisu Cirka Ku Shareeran Yahay Ee Luka Modric & Goorta Kulankaas Loo Balansan Yahay Oo La Ogaaday.

Kooxda horyaalka La Liga ee Real Madrid ayaa kulan fool ka fool ah la qaadanaysa xiddiga uusan mustaqbalkiisu cadayn mudooyinkii ugu dambeeyay ee Luka Modric, Madaxda kooxda Real oo uu hoggaaminayo madaxweynaha kooxda ee Florentino Perez ayaa doonaya inay xiddigan si toos ah miiska wada xaajoodka ula fadhiistaan.

Mustaqbalka Luka Modric ayuu mudi weyni soo galay maalmihii ugu dambeeyay kaddib markii wargeyska ree Talyaani ee Gazzetta dello Sport uu sheegay in kooxda Inter Milan ay xiiso dhab ah u hayso Modric isla markaana ay xooga saari doonto sidii ay uga soo kaxayn lahayd kooxda Caasimada.

Madaxeyne ee Perez ayaa hore farriin hawada ugu mariyay kooxda Inter Milan isaga oo sheegay inaysan xiddigan ku fasixi doonin qiimo ka hooseeya 750 Milyan, Sidoo kale Los Blancos ayaa si weyn uga cadhootay wakiilada xiddigan maadaama oo ay u arkaan kuwo xiddiga ku riixaya inuu ka baxo kooxdooda.

Haddaba, Madrid ayaa aqbashay in xaalada noocan ah ay tahay mid u baahan in si fool ka fool ah loo wada fadhiisto qasbaysa, Agaasimaha kooxda ee Jose Angel Sanchez oo wada sheekaysi yar oo kooban la qaatay Luka kadib tababarkii shalay ayaa la fahamsan yahay inuu wada xaajood toos ah la yeelan doono xiddigan berri oo jimce ah.

Qandaraaska haatan uu xiddigan ree Croatia kula jiro kooxda ayaa ah mid ku eeg sanadak 2020 isagoo sanadkii qaatay mushahark 8 Milyan ah balse Inter Milan oo iyadu si dhab ah u doonaysa saxeexiisa ayaa miiska u saartay heshiis lix sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono 10 Milyan.

Ugu dambayn, Real Madrid ayaa cabsida ugu weyn ka qaaday bixitaankii Cristiano Ronaldo oo kooxdeeda kaga biiray dhinaca Juventus balse Los Blancos ayaa ku rajo weyn inay heshiis nabadeed la gaadho Modric si ay uga hortagto in xiddig kale oo hoggaamiye ahi firaaqeeyo kooxdeeda.