Real Madrid Oo Isha Ku Haysa Saxeexyada Aubameyang, Harry Kane Iyo Haaland & Midka Sida Gaarka Ah Usoo Jiidanaya Oo Shaaca Laga Qaaday.

Kooxda Real Madrid oo la fahamsan yahay inay suuqa xagaagan weeraryahan u gali doonto ayaa lala xidhiidhinayaa saxeexyada Pierre Emerick Aubameyang oo ah kabtanka Arsenal, Hoggaamiyaha Tottenham ee Harry Kane iyo da’yarka Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland.

Los Blancos ayaa xilli ciyaareedkan markale ku dhibtootay boosaska weerarka iyagoo u muuqda kuwo aan wali buuxinin kabihii uu bixiyay Cristiano Ronaldo oo xagaagii 2018 ka dhaqaaqay.

Real ayaa haatan haysata Karim Benzema, Luka Jovic iyo Mariano Diaz walow labada weeraryahan ee dambe ay ahaayeen kuwo aan la isku halayn karin oo uusan tababare Zinadine Zidane kalsooni buuxda ku qabin.

Wargeyska Sport oo haatan ka faalooday baadigoobka Real Madrid ee weeraryahan cusub ayaa sheegay in Aubameyang oo Arsenal ka tirsan uu yahay dookh kooxda ree Spain uga soo jiidasho badan Harry Kane iyo Haaland.

Sababta ugu weyn ee ay Real u doorbidi karto saxeexa Auba ayaa lagu sheegay maadaama oo ay Arsenal ka haysato khadkoodii dhexe ee Dani Ceballos oo qaab amaah ah ku jooga isla markaana heshiis qabsooma fududayn kara.

Si lamid ah Real, Waxa sidoo kale muddooyinkii ugu dambeeyay Aubameyang lala xidhiidhinayaa u dhaqaaqista dhinaca Barcelona oo qudheedu suuqa ugu jirta weeraryahan dhexe oo cusub.