Real Madrid Oo Heshiiska Shaqsiga Ah La Gaadhay Xiddiga Bayern Munich Ee Thiago Alcantara Oo Ay U Doonayso Badalka Mateo Kovacic Oo Kooxdeeda Ka Baxay.

Kooxda Real Madrid ayaa heshiiska shaqsiga ah la meel dhigtay xiddiga Bayern Munich ee Thiago Alcantara si uu badal ugu noqdo xiddigii dhawaan safkeeda ka baxay ee Mateo Koavcic kaas oo hal xilli ciyaareed oo amaah ah ku aaday kooxda Chelsea.

Los Blancos ayaa kaddib bixitaankii Mateo waxa qasab ku noqotay inay hesho xiddigii badalka u noqon lahaa iyadoo tababare Julen Lopetegui uu si cad u sheegay inay suuqa u gali doonaan badalka Kovacic, Intaa kaddib kooxda ayaa dookheeda kusoo koobtay kaliya saddexda xiddig ee kala ah Sergej Milinkovic Savic, Christian Ericksen iyo Thiago Alcantara.

Haddaba wargeyska per Onda Cero ayaa ku waramaya in Madrid ay heshiiska shaqsiga ah isla meel dhigeen Thiago, Xiddigan ayaa la aaminsan yahay inuu xiisaha ugu badan ka helayo tababaraha kooxda ee Lopetegui kaas oo hore ugu soo maamulay xulka Spain.

Wargeyska ayaa intaa ku daraya in waxkasta ay ku heshiiyeen Thiago iyo Real balse ay haatan tahay wakhtigii ay kooxdu miiska wada xaajoodka la fadhiisan lahayd dhigeeda Bayern Munich isla markaana ugala xaajoon lahayd suurogalnimada ay xiddiga ku heli karto xagaagan.

Bayern Munich oo la xasuusto inay hore u diiday wadahadalo ay Madrid ku doonaysay James Rodriguez iyo Robert Lewandowski ayaa la filayaa inay markan Thiago ku fasixi doonto qiimo u dhaxeeya 40 ilaa 50 Milyan maadaama oo uusan ku jirin qorshaha tababare Niko Kovac.

Haddiiba uu Thiago Alcantara oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Brazil kusoo biiro Los Blancos waxa uu xidhiidh  cadaawadeed la yeelan doonaa jamaahiirta kooxda uu hore ugu soo ciyaaray ee Barcelona, Alcantara ayaa dhinaca kale badal u noqon doona Mateo Kovacic oo maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga ee Premier League ku biiray Chelsea.