Real Madrid Oo Haddaba Si Rasmi Ah U Bilawday Iibinta Maaliyada Eden Hazard Ee Na.7-Miyuu Buuxin Doorkii Ronaldo Ee Lambarkan?

Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u bilawday iibinta maaliyada kooxdeeda ee uu Eden Hazard xidhan doono marka heshiiskiisa lagu dhawaaqo, waxayna haddaba jamaahiirta Madrid heli karaan garanka Eden Hazard ee uu No.7 ku qoran yahay.

Dukaanka Real Madrid ee rasmiga ah ee ku yaala garoonka diyaaradaha magaalada Barcelona ee El Prat airport  ayaa lagu arkay maaliyada uu Eden Hazard xidhan doono oo haddaba lagu bilaabay in la iibiyo.

Kooxda Chelsea ayaa khamiistii aqbashay dalab 100 milyan yuro ku qiimaysnaa oo ay Real Madrid ka gudbisay Eden Hazard balse waxaa hadhsan in lagu heshiiyo lacago dheeraad ah oo ay Chelsea ku doonayso haddii uu Hazard waxyaabo khaas ah ku gaadho Bernabeu.

Waxyaabaha ay Chelsea lacago dheeraad ah ugu doonayso adeega Hazard waxaa ka mid ah haddii uu koobabka La Liga iyo Champions League uu kula guulaysto Madrid iyo waliba abaal marinaha shaqsiga ah.

Laakiin Eden Hazard waxa haddaba lagu wargaliyay in Cheslea ay aqbashay dalabkii ay Madrid ka soo gudbisay waxaana la filayaa in heshiiskiis lagu dhawaaqi doono marka uu soo dhamaysto kulaada caalamiga ah ee uu hadda xulkiisa Belgium u joogo.

Laakiin inta aan heshiiska Hazard ee Real Madrid lagu dhawaaqin, haddaba waxa uu dukaanka Real Madrid ee garoonka diyaaradaha magaalada Barcelona ee El Prat airport  uu bilaabay in uu iibiyo garanka No.7 ee ay Eden Hazard ku qoran tahay.

Eden Hazard ayaa jeclaan lahaa in uu Real Madrid u xidho maaliyada No.10 oo uu waqti dheer ugu soo ciyaarayay kooxdiisa Chelsea laakiin Luka Modric oo ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee Madrid ayaa lambarkan haysta.

Laakiin Eden Hazard ayaa loo gacan galin doonaa lambarkii uu Cristiano Ronaldo ka baxay ee No.7 kaas oo uu xili ciyaareedkii soo dhamaaday Madrid u xidhnaa Mariano Diaz.

Real Madrid ayaa haddaba lacag badan ka samaynaysa iibtinta garanka uu Eden Hazard xidhan doono ee lambarka 7 aad iyada oo lagu iibinayo 147.95 yuro waana lacag ay Madrid ka sii helayso xidig ayna xataa wali heshiiskiisa ku dhawaaqin.