Real Madrid Oo Guul Dahabi Ah Ka Soo Gaadhay Ajax, Fara Galintii VAR Ee Ciyaarta, Qalbii Jabkii Uu Marco Asensio Abuuray Iyo Tottenham Oo Dortmund Cagta Marisay.

Real Madrid ayaa guul dahabi ah ka soo gaadhay kooxda Ajax oo ay kulan layaableh kala kulmeen waxayna Madrid guushan ku soo gaadhay 2-1 iyada oo Karim Benzema uu ahaa xidiga goolka furitaanka u keenay laakiin iyada oo Ajax ciyaarta ku soo laabtay ayuu Marco Asensio oo badal ku soo galay kulankani uu goolka guusha Ajax ku qalbi jabiyay daqiiqadihii ugu danbeeyay.

Ajax ayaa wax badan ka shalayn doonta fursad lumintii ay kulankan ka sameeyeen iyo minco la’aantii badnayd ee ay kubbada ku qasaariyeen waxaana taas khibradeeda ugu soo ciqaabtay Real Madrid oo hadda hayata fursada ugu wayn ee ay wareega siddeed dhamaadka ugu soo bixi karto kulanka Bernabeu.

Dhinaca kale kooxda Tottenham ee Wembley Stadium ku dubatay Borussia Dortmund waxayna Spurs talaabo wayn sare ugu qaaday wareega xiga ee Champions League iyaga oo 3-0 ku khaarajiyay Dortmund.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANLKAN:

REAL MADRID XI (4-3-3): Thibaut Courtois; Dani Carvajal, Nacho, Sergio Ramos (c), Sergio Reguilon; Luka Modric, Casemiro, Toni Kroos; Gareth Bale, Karim Benzema, Vinicius Junior.

Kaydka: Keylor Navas, Jesus Vallejo, Dani Ceballos, Mariano Diaz, Marcelo, Lucas Vazquez, Marco Asensio.

AJAX XI (4-3-3): Andre Onana; Noussair Mazraoui, Matthijs de Ligt (c), Daley Blind, Nicolas Tagliafico; Lasse Schone, Donny van de Beek, Frenkie de Jong; Hakim Ziyech, Dusan Tadic, David Neres.

Kaydka: Dani de Wit, Daley Sinkgraven, Kostas Lamprou, Klaas-Jan Huntelaar, Joel Veltman, Kasper Dolberg, Rasmus Kristensen.

Ajax ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ciyaarta ugu bilaabtay waxayna markiiba noqdeen kooxda kubbada haynta iyo fursad abuurista badan garoonka xamaasad badan kaga abuuray iyaga oo Real Madrid ku qasbay in ay dagaal u gasho sidii ay goolkeeda uga ilaalin lahayd fursadaha badan ee soo baxayay.

Daqiiqadii 7 aad Real Madrid ayaa lagu qasbay badbaadintii ugu horaysay kadib markii uu  Van de Beek kubbad cajiib ah la ciyaaray Tadic laakiin Casemiro ayaa awooday in uu kubbada ka badbaadiyay goob halis ah oo uu Tadic goolka ka dhalin kari lahaa.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Maamulka Horyaalka Premier League Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Garsoorka Dhex Dhexaadin Doona Kulamada Labaad Ee Xili Ciyaareedka Cusub.

Daqiiqadii 15 aad ayay Real Madrid ugu danbayn heshay fursad ay gool ku dhalin kartay kadib markii uu da’yarka Vinicius Jr uu kubbad fiican ka soo shaqeeyay isla markaana uu goolhayaha Ajax uu ku qasbay in uu babdaadin fiican sameeyo.

Daqiiqadii 27 aad BIRTA GOOLKA! Ajax ayaa u muuqatauy in ay goolkeeda furitaanka ku helayso fursad uu helay Tadic laakiin darbada uu tuuray ee goolka loo fishay ayay birta goolka Madrid ka beenisay in Ajax ay goolkan hesho.

Daqiiqadii 32 aad Gareth Bale ayaa isku dayay in uu si toos ah u toogto goolka Ajax laakiin darbadiisa ayuu joojiyay goolhayaha Ajax waxayna ciyaartu noqotay mid xiiso badan balse ay wali Ajax tahay kooxda aduunkaga kaga yaabsanaysay dhiiranaanta ay ku ciyaaraysay.

Daqiiqadii 36 aad Alla Muxuu Gool laayableh ahaan lahaa! Ajax ayaa soo ciyaartay kubbad aad moodo play Station waxayna kubbad min hal taabasho ah ka soo bilaabeen dhinaca bidix laakiin kubbadii ugu danbaysay ee uu  Ziyech la hortaagnaa goolhaye Courtois ayuu awoodi waayay in uu shabaqa gaadhsiiyo waxaana gool cadaan ah Real Madraid ka joojiyay Courtois!!.

Daqiiqadii 37 Ajax ayaa dhalisay gool ay si wayn ugu dabaal degeen laakiin garsooraha ayaa la tashaday kooxda muuqaal caawiyaha garsoorka VAR u dul fadhiyay wuxuuna waqti ku soo qaatay in uu dib u daawado goolka uu Tagliafico madaxa ugu dhaliyay Ajax.

Markii uu garsooruhu waqti siiyay go’aankiisa waxa uu ugu danbayn go’aansaday in Tagliafico uu offside ku jiray isla markaana waxa uu meesha ka saaray goolkii ay ciyaartoyda iyo jamaahiirta Ajax sida xoogan ugu dabaal degeen taas oo noqotay mid ayna ka cadhoodeen ciyaartoyda iyo kooxda Ajax.

Qaybtii hore ee ciyaarta Ajax ayaa bandhig layaableh samaysay laakiin goolkii ay u arkayeen in ay ugu danbayn wax tarkooda ku muujiyeen ayuu VAR ka beeniyay balse waxay muujiyeen in ay soo laabtay kooxdii Ajax ee 1970-aadkii tartamada Yurub sumcada wayn ku lahayd. Waxaana qaybtii hore lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

SIDOO KALE AKHRISO:  Sababta Aysan Man United U La Soo Wareegin Bedelka Romelu Lukaku Oo La Ogaaday

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Real Madrid soo laabtay iyada oo isa soo canaanatay isla markaana sare u soo qaaday heerkii ciyaareeda ee aadka u hooseeyay qaybtii hore waxayna sidoo kale Ajax sii waday in ay wali dhiiranaan xoogan ku ciyaarto.

Daqiiqadii 51 aad Karim Benzema oo qaybtii hore la aamusiiyay ayaa ugu danbayn helay fursad gool dhalineed laakiin darbo uu ku tuuray goolka Ajax ayuu goolhaye Andre Onana si fiican u joojiyay si uu kooxdiisa gool uga badbaadiyo.

Daqiiqadii 52 aad Ajax ayaa markeeda heshay fursad gool dhalineed waxaana goolhaye Courtois badbaadin qurux badan ku qasbay Neres kaas oo markiisa helay fursad fiican.

Daqiiqadii 60 aad Real Madrid ayaa ugu danbayn jabisay ismari waagii ciyaarta waxaana Ajax fursad lumintii badnayd ee ay soo sameeyeen ku ciqaabay Karim Benzema oo si qurux badan darbo ugu dhaqaajiyay shabaqa Ajax kadib markii uu Vinícius Júnior soo jabsaday dhinaca bdixi isla amrkaana uu Benzema siiyay fursada uu goolkan ku dhaliyay waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Madrid hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Daqiiqadii 61 aad Santiago Solari ayaa ciyaarta badal kaga saaray Gareth Bale wuxuuna booskiisa ku soo buuxiyay Lucas Vázquez waxayna ciyaartu noqotay mid xamaasad badan oo ay Ajax dagaalkii kooxdeeda sii laba jibaartay si ay ciyaarta ugu soo laabto.

Daqiiqadii 73 aad Solari ayaa ciyaarta ka saaray Karim Benzema oo ahaa xidiga goolka kaliya Madrid u dhaliyay inkasta oo aanu habeen fiican ku jirin waxaana kaydka ka soo baxay Marco Asensio.

Daqiiqadii 75 aad Ajax ayaa ugu danbayn gaadhay shabaqa Real Madrid ee ay waqtiga dheer fursadaha ku soo abuuraysay waxaana goolka barbaraha u keenay H. Ziyech kaas oo caawin ka helay David Neres iyada oo markan difaaca Madrid ay ku fashilmeen in ay fursadan joojiyaan waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wax Ka Ogow Isbedelada Ay Premier League Ku Sameeyeen Sharciga Muuqaal Caawiyaha Garsooraha (VAR) Ee Xilli Ciyaareedkan La Hirgelinayo

Daqiiqadii 81 aad Solari ayaa badalkiisa saddexaad ka dhigtay Brahim Diaz oo uu kulankiisii ugu horeeyay ee Champions league soo safay wuxuuna saaray Vinícius Júnior laakiin ciyaarta ayaa gashay waqti xaasaasi ah.

Daqiiqadii 87 aad Marco Asensio ayaa qalbi jabiyay Ajax isaga oo kooxdiisa Madrid u dhaliyay goolka labaad ee waqtiga muhiimka ah ku soo beegmay wuxuuna Asensio si sahlan ku dhamaystiray kubbad cajiib ahayd oo uu Daniel Carvajal ka soo caawiyay dhinaca midig wuxuuna Asensio ciyaarta ka dhigay 2-1 ay Los Blancos hogaanka ciyaarta ku soo ceshatay.

Intii lagu jiray saddex daqiiqo oo lagu daray ciyaarta ayay Ajax heshay fursad goolka labaad ee barbaraha si cad loogu fishay kadib marki uu Dolberg helay fursad uu Courtois kubbada kula soo baxay laakiin darbada liidata ee uu goolkan iskugu dayay ayaa noqotay mid uu Courtois joojiyay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Madrid guul dahabi ah ku soo gaadhay kulan ay si wayn ugu rafaaday qaab ciyaareedkii layaabka lahaa ee Ajax. Ajax kubbad qurux badan iyo kulan wayn ayay ciyaareen waxaana natiijadii iyo ujeedii ciyaarta heshay Real Madrid.

Tottenham 3-0 Borussia Dortmund

Kooxda Tottenham ayaa bandhig cajiib ah ku samaysay kulankii lugta hore ee Wembley Stadium ay ku soo dhawaysay Borussia Dortmund waxayna Spurs ku sii dhawaatay in ay talaabo u sii jirsatay wareega sideed dhamaadka kadib markii ay 3-0 ku garaacday Dortmund.

Tottenham ayaa muujisay sida ay horumar wayn uga samaysay tartanka kooxaha Yurub ee ay xili ciyaareedyadii ugu danbeeyay soo joogtaysay ka ciyaaristiisa waxayna Tottenham guushan ku gaadhay goolal ay dhaliyeen Son Heung-Min (47) J. Vertonghen (83) iyo  Llorente (86).

Borussia Dortmund ayaa shaqo wayn u baahan lugta labaad ee ay Tottenham ku soo dhawayn doonto Germany haddii ay doonayso in ay natiijadan culus ee London ku soo gaadhay wax ka badasho.