Real Madrid Oo Geed Dheer Iyo Mid Gaabanba U Fuulaysa Saxeexa Paul Pogba Xilli Ay Xiddig Mustaqbal Weyn Leh Iyo 42 Milyan U Bandhigeen Man United..

Advertisements

Kooxda uu hoggaanka u hayo tababare Zinadine Zidane ee Real Madrid ayaa u muuqata mid waxkasta u samaynaysa saxeexa khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba iyagoo haatan dalab cusub oo soo jiidasho leh diyaarinaya.

Sida lagu sheegay wargeyska Spain fadhigiisu yahay ee El Desmarque, Los Blancos ayaa miiska usoo saaray dhigooda ree England da’yarka aadka looga doonayay dhawaanahan ee Vinicius JR iyo lacag si ay uga helaan Pogba

Natiijada sawirka Vinicius 2019

Warbixinta ayaa sheegaysa in Real Madrid ay hurayso Vinicius oo xilli ciyaareedkiisii labaad ku qaadanaya Estadio Santiago Bernabeu isla markaana ay isaga ku darayaan lacag dhan 42 Milyan si ay Pogba gacanta mar uun ugu dhigaan.

Man United ayaa la qiyaasayaa inay dalban doonto ku dhawaad laba jibaarka lacagtaas 42-ka Milyan ah oo lagu daray Vinicius balse taas ayaa noqon doonin mid u cuntamaysa Madrid oo isku dheeli tiraysa xiisaha Pogba iyo lacagta kaga baxaysa.

Vinicius oo hore si weyn loogu qiimayn jiray ayuu badhtamaha xilli ciyaareedkii hore gaadhay dhaawac culus oo uu mudo la maqnaa, Xilli ciyaareedkan 2019-20 ayuu 11 kulan matalay kooxdiisa isagoo kaliya hal gool magaciisa ku qoray.

Advertisements

Kooxda ree France ee Paris Sant-Germain ayaa dhawr jeer xagaagii dhawaa codsatay in ay Madrid keento Vinicius iyo lacag si ay Neymar ugu wareejiyaan balse kooxda caasimada Spain ayaa marar badan diiday inay dirto 19 sano jirkan oo ay mustaqbal ku tuhmayeen.

Advertisements