Real Madrid Oo Gacmaheeda Ku Haysata Furaha Ay Meel Fog Ka Raadinayso & PSG Oo U Sheegtay Xal Aad Ugu Fududaan Kara Oo Ay Kylian Mbappe Ugu Wareejinayaan.

Advertisements

Kooxda Real Madrid ayaa ah mid gacmaheeda ku haysata fursaha ay ku helayso saxeexa da’yarka ay sida weyn uga daba dhacday ee Kylian Mbappe oo Paris Saint-Germain ka tirsan.

Sida uu sheegay wargeyska AS, Xiddiga furaha noqon kara ee fududayn kara heshiis ay Madrid kusoo xero-galiso Mbappe ayaa noqon kara 19 sano jirka ree Brazil ee Vinicius JR oo ay kooxdeeda ku haysato.

Natiijada sawirka Mbappe and Vinicius

Sidii muuqatay suuqii xagaaga, In lala xaajoodo PSG ayaan ahayn wax sahlan kaddib markii ay Barcelona ka diideen iibka Neymar balse Madrid ayaa wali ah mid niyad san iyagoo bar-tilmaameedkooda ugu sarreeya ka dhigtay Mbappe.

Sida la sheegayo agaasimaha ciyaaraha Paris ee Leonardo ayaa ah mid taageere weyn u ah Vinicius waxaana la fahamsan yahay in haddiiba ay kooxdiisu ku qasbanaato inay Real kala xaajooto Mbappe uu dalban doono in hawl-galka lagu soo daro Vinicius/

Sida uu qofkasta qiyaasan karo, Haddiiba ay PSG sidii la ogaa u adkaysay wada xaajoodkii Neymar waxa xaqiiq ah inay saddex jibaari doonto midka Mbappe oo ah xiddig mustaqbal ifaya leh waana sababta uusan Mbappe heshiiskiisa wali u cusboonaysiin.

Haddiiba mashruucan ay saxaafadu ugu yeedho “Hawl-Gal Mbappe” uu agaasime Leonardo ku qanacsan yahay helista Vinicius waxa sidoo kale muhiim ah in marka hore waxkasta laga dhaadhiciyo madaxweynaha PSG ee Al-Khelaïfi oo ah talaabada ugu adag ee haddii laga gudbo wax badani fududaanayaan.

Advertisements

Ugu dambayn, Real ayaa marka hore rajaynaysa in iyaga uu Leonardo soo weydiiyo arrimaha Vinicius kaddibna ay qiime macquul ah ku codsan karaan Mbappe.

Advertisements