Real Madrid Oo Sidii Eden Hazard Ka Doonaysa In Pual Pogba Uu Saxaafada Mariyo Rabitaanka Uu Bernabeu Ku Doonayo.

Maamulka kooxda Real Madrid ayaa qaadaya talaabo wayn oo ay ku doonayaan in ay kula soo saxiixdaan xidiga kooxda Manchester United ee Pual Pogba kaas oo ka mid ah bartilmaameedka uu Zidane doonayo.

Laakiin maamulka Real Madrid ayaa samaynaya talaabo ay caan ku yihiin kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona waana qorshe ay ay marar badan ugu soo guulaysteen saxiixyo muhiim ah.

Zinedine Zidane ayaa si toos ah u dalbaday in Pual Pogba kooxda la keeno waxayna Florentino Perez iyo colkiisa Santiago Bernabeu doonayaan in ay sameeyaan wax walba oo ay xidiga reer France ku keeni karaan kooxdooda.

Manchester United ayaa Real Madrid ka diiday in ay wax wada xaajood ah kala yeelato xaalada Pual Pogba, waxayna hadda Madrid qaadaysaa talaabo ay Pual Pogba culays ugu saarayso in uu saxaafada ka dalbado bixitaan.

Waxa kaliya ee ay kooxaha reer Spain ciyaartoyda ku cadaadiyaan ayaa ah in ay laba arimood midkood sameeyaan, in marka hore ay saxaafada horteeda ka sheegaan in ay bixitaan doonayaan isla markaana ay diyaar u yihiin in ay koox cusub ku biiraan.

Mar labaadka waxay ku riixaan in ay gudbiyaan warqada dalabka bixitaankiisa, waana qorshe ay hadda Real Madrid ku doonayso in Pual Pogba uu saxaafada ka hadlo si uu maamulka Man United ugu cadeeyo in uu bixitaan diyaar u yahay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Faahfaahin Dheeri Ah Oo Ka Soo Baxday Dalabkii Ugu Danbeeyay Ee Barcelona Ay Ka Gudbisay Xiddiga PSG Ee Neymar

Wargayska AS ee magaalada Madrid ka soo baxa ayaa shaaciyay in Real Madrid ay hadda Pual Pogba ka doonayso in uu saxaafada mariyo fariintiisa bixitaanka kadib markii ay Man United diiday in ay wada xaajood ka gasho bixitaankiisa Old Trafford.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in hadda ay Real Madrid haysato hal doorasho oo kaliya taas oo ah in ay soo dhex marto Pual Pogba si uu afkiisa uga qirto in uu bixitaan doonayo markaas oo ay maamulka United u furnaan karaan in ay wada hadal gali karaan.

Waxaa la ogaa qaabkii ay Real Madrid u awooday in ay soo dhex martay Eden Hazard kaas oo intii aanay Chelsea bixitaankiisa diyaar u noqon marar badan waraysiyo uu saxaafada siiyay ku sheegay in Madrid ay tahay kooxda riyadiisa.

SIDOO KALE AKHRISO:  Tababare Thomas Tuchel Oo Neymar Ka Quustay, Philippe Coutinho Oo Uu Iska Diiday In Heshiiska Neymar Lagu Daro & Ciyaartoyga Uu Barca Ka Doonayo Oo La Ogaaday.

Inkasta oo ay qaar ka mid ah warbaahinta England qoreen in Man United ay 150 milyan dul dhigtay saxiixa Pual Pogba, haddana wargayska AS ayaa sheegay in ayna xataa United doonayn in ay qiimaha Pogba sheegto maadaama oo ayna diyaar u ahayn in ay Madrid wada hadal la gasho.

Pual Pogba ayay Man United doonaysaa in uu kooxda sii joogo, laakiin Madrid ayaa hadda ciyaari doonta doorashadeeda ugu danbaysa si ay Pual Pogba iyo maamulka kooxdiisa iskaga hor keenaan.

Waa Dhaqanka Real Madrid & Barcelona In Ay Iska Hor Keenaan Ciyaartoyda Caanka Ah Iyo Taageerayaasha Kooxahooda.

Manchester United ayaa wali meel adag ka taagan bixitaanka Pual Pogba balse haddii uu xidiga reer France ku qanco qorshaha Madrid oo uu saxaafada ka shaaciyo in uu bixitaan diyaar u yahay ama uu xataa gudbiyo warqada bixitaankiisa, waxay markaas abuuri kartaa fursad uu Zidane xidigan ku heli karo.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Xidhiidhka Kubbada Cagta Aduunka Ee FIFA Oo Go'aan Rasmi Ah Ka Gaadhay Dacwadii Man City-Miyaa Suuqa Kala Iibsiga & UCL Laga Ganaaxay?

Arinta kale ee xusuusta mudan ayaa ah in xidhiidhka Real Madrid iyo Manchester United aanu ahayn mid fiican kadib wixii dhacay sanadkii 2015 kii markii uu David De Gea heshiiska buuxa la gaadhay Real Madarid ee uu daqiiqadii ugu danbeeyay burburay.

Real Madrid ayaan hadda kali ku ahayn saxiixa Pual Pogba, balse Juventus ayaa doonaysa in ay talaabo wayn hore u qaado si ay xidigii hore ee kooxdeeda uga soo ceshato Man United iyada oo waliba wakiilka Pogba ee Mino Raiola uu Juventus arintan ka caawin karo.

Si kastaba ha ahaatee, waqtiyada soo socda ayaa la ogaan doonaa haddii uu Pual Pogba raaci doono dariiqii Eden Hazard oo uu saxaafada la soo fadhiisan doono in uu riyadiisa Madrid iyo bixitaankiisa Man United si cad u shaacin doono.