Real Madrid Mise Liverpool? Kooxda Uu Doortay Da’yarka Mustaqbalka Weyn Leh Ee Kylian Mbappe Oo La Ogaaday & Talaabo Muhiim Ah Oo Uu Qaaday.

Advertisements

Da’yarka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa lagu soo warramayaa inuu doortay kooxdiisa xigta ee uu waayihiisa ciyaareed kasii wadan doono xilli lala xidhiidhinayo kooxaha Liverpool iyo Real Madrid.

Mbappe ayaa ah mid kamida xiddigaha haatan ugu wanaagsan dunida iyada oo calaamad kasta ay sheegayso inuu noqonayo midka figta ugu sarreysa ee kubadda cagta ka dhaxla Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Il wareedka ABC ayaa sheegaya in Mbappe uu doortay inuu mustaqbalka dhaw u wareego dhinaca Real Madrid isagoo haatanba qaaday talaabo wax badan u sahlaysa kaddib markii uu la xidhiidhay gar-yaqaan Delphine Verheyden si uu heshiiska ugu fududeeyo.

Warbixibta ayaa sheegaysa in Mbappe uu aaminsan yahay inuusan hadafkiisa ciyaareed ku gaadhi karayn Paris taasina ay tahay sababta uu u doonayo u dhaqaaqista Madrid.

Tababare Zinadine Zidane ayaa dhawr jeer si badheedh ah saxaafada uga hor sheegay inuu jecelaan lahaa saxeexa Mbappe taas oo ka cadhaysiisay madaxda sarre ee PSG.

Sidoo kale madaxweynaha Los Blancos ee Florentino Perez ayaa dhawr jeer saxaafada u sheegay in markasta kuwa ugu wanaagsan kubadda cagta laga doonayo Real Madrid kaasina uu yahay hadal kale oo albaabada u furaya.

Advertisements

20 sano jirkan ayaa sidoo kale la sheegayaa inuusan ku faraxsanayn qaabka uu wax u wado tababaraha kooxda ee Thomas Tuchel kaddib markii uu bedel ku sameeyay kulankii ay Ligue 1 dhawaan kaga adkaadeen kooxda Nantes.

 

Advertisements