Real Madrid Mise Liverpool? Khabiir Ree France Ah Oo Si Buuxda U Sharraxay Kooxda Uu Ku Riyoonayo Kylian Mbappe Inuu U Wareego.

Advertisements

Khabiirka kubadda cagta France ee Julien Laurens ayaa xog cusub kasoo saaray mustaqbalka dhaw ee garabka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe kaas oo si joogto ah loola xidhiidhinayo kooxaha Real Madrid iyo Liverpool.

Heshiiska Mbappe ee haatan uu ku joogo Parc des Princes ayaa ah mid ku eeg badhtamaha sanadka 2022 waana sababta dhalinaysa in durtaba ay qaar kamida kooxaha ugu waaweyn Yurub ku loolamaan helitaankiisa.

21 sano jirkan ayay toddobaadkii hore hay’ada xog ururinta ee CIES u aqoonsatay ciyaartoyga ugu qiimaha badan dunida kubadda cagta wakhtigan iyagoo ku qiimeeyay 226 Milyan.

Sidaas darteed, Liverpool iyo Madrid ayaa ku qasbanaan doona inay jabiyaan lacagta rekoodhka suuqa kala iibsiga haddiiba ay dhab ahaan u doonayaan inay helaan Kylian.

Waxa jirta rajo ay qabto PSG oo ah inay qandaraas cusub ka saxeexan karto Mbappe laakiin khabiirka kubadda cagta France ee Laurens ayaa aaminsan in kooxda Real Madrid ay tahay riyada xiddiga ugu dambayna ay iyagu tartankiisa ku guuleysan doonaan.

Mar la weydiiyay haddii uu Mbappe xagaaga ka tagayo Paris ayuu Laurens yidhi “Way i xanuujinaysaa inaan sidaas yidhaahdo laakiin waxa jurta suurogalnimo, Xataa suurogalnimo weyn”.

“PSG waxa ay dhab ahaantii Mbappe si xoogan ugu riixaysaa inuu heshiis cusub saxeexo, Waxay doonayaan inay isaga sii haystaan ugu yaraan hal sano” .

Advertisements

“Laakiin waxa jirta suurogalnimo uu xagaaga ku baxayo, Taasi waa riyadiisa, Inuu u ciyaaro Real Madrid oo uu u ciyaaro Zidane”.

Advertisements