Real Madrid Mise Barcelona? Kooxda Uu Aabaha Neymar Ka Dhaartay In Wiilkiisu Uu Ugu Yaraan Wada Xaajood La Galo Oo La Ogaaday.

Advertisements

Garabka Paris Saint-Germain ee Neymar JR ayaa mudo dheer oo suuqii xagaaga ah lala xidhiidhinayay inuu kooxdaas ka dhaqaaqi doono balse ugu dambayn waxa uu kusii negaaday kooxdiisa.

Kooxaha horyaalka La Liga ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa ahaa tartamayaasha ugu waaweyn ee saxeexiisa balse midkoodna kuma guuleysan iyadoo waliba Barcelona ay ahayd kooxda lagu sifeeyay mida uu 27 sano jirkani doonayay.

Xaalad kastaba, Waxaan wali si buuxda meesha uga bixin wararka Neymar ee la xidhiidha inuu iskaga dhaqaaqayo kooxda caasimada France iyadoo la filayo in hirdanka loogu jiraa uu dib u curto suuqyada soo socda.

Il wareedka caanka ah ee ESPN qaybtiisa dalka Brazil ayaa haatan war weyn ka qortay Neymar JR Senior oo ah aabaha Neymar iyagoo xusay in uu go’aan ku gaadhay in wiilkiisu uusan xataa la xaajoon Barcelona taas oo farxad gelinaysa Real Madrid iyo kooxaha kale.

Advertisements

Mar la weydiiyay ku laabashada Spain iyo haddii wiilkiisu uu la xaajoon doono kooxdiisii hore Neymar SR oo ka gaabsaday ayaa yidhi “Taasi maaha arrinta, Waxaan ku suganahay Brazil halkan ayaanan joogaa”.

Marka laga yimaado inuu koobab badan kula guuleystay, Neymar ayaa go’aansaday inuu ka dhaqaaqo Barcelona xagaagii 2017 isagoo heshiis 222 Milyan oo euro ah ugu wareegay Paris.

Neymar ayaa ku dhibtooday dhaawacyo dib u dhac ah dhawaanahan iyo guud ahaan tan iyo u dhaqaaqistii PSG isagoo seegay tartankii Copa America ee xagaagii xilli ciyaareedkana kaliya shan kulan matalay kooxdiisa.

Advertisements