Maxay Tahay Sababta Ay Jamaahiirta Liverpool Ugu Qasban Yihiin Inay Taageeraan RB Leipzig Inta Ka Hadhay Xilli Ciyaareedka Horyaalka Bundesliga?

Kooxda ree Germany ee RB Leipzig ayaa farriin u dirtay dhigeeda Premier League ee Liverpool iyagoo adeegsanaya magaca weeraryahanka ay kooxda ree England u gacan haadinayso ee Timo Werner.

RB Leipzig oo berri kulan Bundesliga ah kula ciyaari doonta Freiburg garoonkeeda Red Bull Arena ayaa daabacday farriimo iyada oo adeegsanaysa barta Twitter-ka isla markaana kooxaha Premier League ee wali horyaalkoodii maqan yahay u sheegaysa sababo ay ku taageeraan.

Tusaale ahaan, Leipzig ayaa u sheegtay West Ham United inay taageeraan iyaga maadaama oo ay Tottenham oo ay London ka wada dhisan yihiin laba jeer garaaceen halka ay Chelsea u sheegtay inay soo taageeraan da’yarkooda Ethan Ampadu oo amaah Leipzig ku jooga.

Dhinaca kale Liverpool ayay Leipzig usoo dhex martay xiddiga bar-tilmaameedka u ah ee Werner waxaana ay sheegeen in sida ay ka jamaahiirta Liverpool ahaan u jecel yihiin Werner ay iyaguna u jecel yihiin isla markaana ay wada taageeraan.

“Waad jeceshihiin (Jamaahiirta Liverpool) Timo Werner, anaguna sidoo kale, aynu wada taageerno, #WaligiinGurigiinaMaGaynDoontaan” ayaa lagu yidhi Tweet-ka ay Leipzig jamaahiirta Reds usoo dirtay.

Hadalka dambe ee ah inaysan marnaba Liverpool la wareegi doonin Werner ayaa ah farriin kale oo ay kooxda ree Germany kooxdaas kaga fogaysanayso ciyaaryahankeeda.

Werner oo 24 sano jir ah ayaa heshiiskiisa Leipzig lagu jabin karaa 52 Milyan oo Pound, dhaqaale xumada uu keenay caabuqa Korona ayaa sababi karta in Liverpool ay shaki geliso bixinta lacagtaas.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook