RASMI+Muuqalka Safarka: Tababare Santiago Solari Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Real Madrid Ee Kulanka Ajax Iyo Safarka Ay Netherlands Ugu Bixeen.

Kooxda Real Madrid ayaa u safartay dalka Netherlands gaar ahaan magaalada Amsterdam halkaas oo kulanka lugta kowaad ee wareega 16ka kooxood ee Champions league ay kula soo ciyaari doonaan kooxda Ajax. Real Madrid ayaa sii wadan doonta in ay isku daydo sidii xili ciyaareedkii afraad oo xidhiidh ah ay ku difaacan lahayd koobka Champions league.

Tababare Santiago Solari ayaa ku dhawaaqay liiska ciyaartoyda kooxdiisa Real Madrid ee hadda u safray Netherlands kuwaas oo ah ciyaartoyda uu ku shaqayn doono kulanka habeen danbe ee ay Ajax ku wajihi doonaan wareega 16ka kooxood ee Champions League.

Karim Benzema oo tababarkii shalay ee kooxdiisa dhaawac ku seegay ayaa ku soo baxay liiska uu Solari magacaabay waxaana la filayaa in uu taam u noqon doono kulanka Ajax iyada oo waliba xidiga reer France uu ku jiro qaab ciyaareed cajiib ah.

Brahim Diaz oo ay Real Madrid suuqii January kala soo wareegtay Manchester City ayaa markii ugu horaysay ku soo baxay liiska ciyaartoyda kooxda Los Blancos ee tartanka Champions League waxaana sidoo kale liiskan ku jira difaaca bidix ee cid walba ka yaabsanaya ee Reguilon kaas oo la filayo in uu kulankiisii ugu horeeyay ee Champions league uu safan karo.

Dhamaan xidigaha muhiimka ah ee Real Madrid ayaa diyaar u ah kulanka Ajax iyada oo ay liiskan ku jiraan Toni Kroos, Luka Modric, Sergio Ramos waxaana liiska Los Blancos ku soo laabtay Odriozola oo kulankii Madrid derby laga reebay liiska Madrid.

Liiska Ciyaartoyda Real Madrid ee Netherlands U Safray:

Goolhayayaasha: Keylor Navas, Thibaut Courtois, Altube

Difaaca: Dani Carvajal, Vallejo, Sergio Ramos, Rapheal Varane, Nacho, Marcelo, Odriozola, Reguilon

Khakda Dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Valverde, Asensio, Brahim Diaz, Dani Ceballos

Weerarka: Karim Benzema , Gareth Bale, Mariano Diaz, Vinicius Jr, Lucas Vazguez

Halkan ka daawo Muuqaalka safarkii Ciyaartoyda Real Madrid ee Netherlands ay Ugu Baxeen: