RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska 19-ka Ciyaartoy Ee Uu London Ula Safrayo Ee Kulanka Champions Leaque Ee Tottenham.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray liiska 19 ka ciyaartoy ee uu ula safrayo caasimada London ee dalka England iyada oo Los Blancos garoonka Wembley Stadium kula soo ciyaari doonta kooxda Tottenham ee kulanka afraad ee heerka Groupyada Champions Leaque. Real Madrid iyo Tottenham ayaa ah labada kooxood ee sida tooska ah ugu tartamaya Groupkooda kadib markii ay min laba kulan soo guulaysteen isla markaana ay barbaro galeen kulankii Bernabeu.

Liiska uu Zidane ku dhawaaqay waxaa seegay xidigii hore ee Tottenham ee Gareth Bale kaas oo ku fashilmay in uu taam u noqdo kulanka ay Real Madrid booqanayso kooxdisii hore ee Spurs. Inkasta oo uu Bale maalmihii ugu danbeeyay si xoogan tababarka u qaadanayay waxa uu haddana awoodi waayay in uu taam buuxa u noqdo kulanka Tottenham isaga oo liiskan ka maqnaaday.

Waxa kale oo liiska Real Madrid ka maqan goolhaye Keylor Navas kaas oo isna taam u noqon waayay kulanka muhiimka ah ee Tottenham taas oo la micno ah in goolhaye Kiko Casilla uu shaxda Zidane markale ku soo bilaaban doono.

Laakiin Isco oo dhaawac soo gaadhay ku sii ciyaaray kulankii Girona ayaa awooday in uu ka soo kabsado wuxuuna ku soo baxay liiska kulanka Tottenham. Dani Carvajal oo markii ugu horaysay muddo bil ah tababarka dib u bilawday ayaa wali sii maqnaan doona si la mid ah Mateo Kovacic oo dhaawac la sii maqnaan doona.

Zidane ayaa liiska kooxdiisa markale ku soo daray goolhayaha da’yarka ah ee Moha kaas oo Casilla kaydka u fadhiyi doona iyo gool dhaliyaha da’yarka ah ee Mayoral laakiin liiska ciyaartoyda kale waxay la mid yihiin kuwii kulankii FC Girona ay guuldaradu ka soo gaadhay.

LIISKA CIYAARTOYDA REAL MADRID EE KULANKA TOTTENHAM:

Goolhaye: Casilla and Moha.

Difaaca: Vallejo, Sergio Ramos, Nacho, Marcelo, Theo and Achraf.

Khadka Dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, M. Llorente, Asensio, Isco and Ceballos.

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Benzema, Lucas Vázquez and Mayoral.

Comments

comments