RASMI: Zinedine Zidane Oo Si Rasmi Ah Iskaga Casilay Shaqadii Tababaranimo Ee Kooxdiisa Real Madrid, Sababta Iscasilaadiisa Iyo Florentino Perez Oo Ay Layaab Ku Noqotay.

Zinedine Zidane ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu si rasmi ah iskaga casilay shaqadii tababaranimo ee kooxdiisa Real Madrid shan maalmood kadib markii uu koobkii saddexaad ee UEFA Champions League oo xidhiidh ah ku hogaamiyay waxayna maamulka Madrid iyo Zidane shalay yeesheen kulan kaas oo ugu danbayn ay ka soo baxday in Zidane uu shaqada ka baxay.

Madax waynaha Real Madrid ee Florentino Pérez iyo Jose Angel Sánchez ayaa shalay kulan la yeeshay Zinedine Zidane kaas oo lagaga wada hadlay mustaqbalka ciyaartoyda Real Madrid laakiin Zidane ayaa si lama filaan ah waqti u qabsaday si uu shir jaraa’id u qabto kaas oo uu mustaqbalkiisa ku kala cadeeyay.

Zinedine Zidane ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu ka baxayo Santiago Bernabeu isaga oo soo gaba gabeeyay waqti layaableh oo uu ku soo qaatay wuxuuna faah faahin ka bixiyay go’aankan uu kaga dhaqaaqay Real Madrid.

Zidane oo sababta uu shaqada Real Madrid uga tagay ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu waan ogahay in ay tahay waqti layaableh ku tahay qof kasta oo ku lug leh, laakiin waxaan filayaa in uu yahay go’aankii ku haboonaa. Kadib saddex sano, isbadal ayaa loo baahan yahay, wax ka duwan, fariin ka duwan”.

Madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez oo isna go’aanka Zidane wax lala yaabo ku tilmaamay ayaa yidhi: “Kadib ku guulaysiga Champons League, anigu tan maan filayn, isagu wuu ogyahay in aan isaga ka jecelahay ciyaartoy kasta ama tababare kasta, waxaanan markasta doonayay in uu garabkayga joogo”.

Florentino Perez oo sida uu arintan ula yaabay ka hadlaya ayaa yidhi: “Ma jiro qof diyaar u ahaa ama diyaar u noqon kara warka sidan oo kale ah, waxa uu ku jiraa xaalad anfariir ah ama lala yaabo”.

Sida uu qofkastaaba waydiin lahaa Zidane waxaa la su’aalay, sideed waqtigan u baxaysaa? wuxuuna Zidane oo arintan ka jawaabayaa uu yidhi: “Dabcan waan soo laaban karaa, markasta waxaan ka agdhawahay kooxdan maadaama oo ay qalbigayga ku dhawdahay, waxaan filayaa in dad badani ayna famayn, laakiin anigu waxaan ogahay in ay tahay waqtigii ku haboonaa, waa waqtigii isbadalka sidoo kale ciyaartoyda ayay u tahay”.

Zinedine Zidane ayaa ku dooday in aanu wax intaas ka badan ka dalban karin ciyaartoyda Madrid isla markaana ay u baahan yihiin waji cusub wuxuuna yidhi: “Sideen wax intaas ka badan uga dalban karaa ciyaartoyda?. Ciyaartoyda waa wayni waxay u baahan yihiin isbadal”.

Zidane ayaa sheegay in aanu ka daalin shaqada tababaranimo balse uu u arkay in ay tahay waqtigii saxda ahaa ee uu Madrid ka bixi lahaa taas oo ka dhigan in uu shaqada tababaranimo uu meelo kale ka sii wadan karo wuxuuna yidhi: “Anigu kaman daalin maamulida, saddex sano ayaan soo maamulayay, laakiin waxaan filayaa in ay hadda tahay waqtigii aan kooxda ka bixi lahaa.

Zidane ayaa wax laga waydiiyay in hore uuu sheegay in uu qandaraas cusub u saxiixayo Real Madrid iyo waxa hadda isbadalay wuxuuna yidhi: “Waxba, maskaxdayda waxaa ku jiray wax ka duwan isla markaana maskaxdayda ayaa isbadashay. Markasta waxaan sheegayay in wax kastaaba ay dhici karaan kooxdan oo uu waqtigaygu soo dhamaan karo. Waxaan ka soo garab ciyaaray Sergio Ramos, wuxuuna ixtiraamay go’aankayga”.

Haddaba waxaa bilawday tababarayaasha la filayo in ay Zidane badalka u noqon karaan iyada oo markiiba Allegri iyo macalinka kooxda Tottenham ay qayb ka noqdeen, waxaana hadda Perez hortaala qaabka uu macalinkii badali lahaa Zidane uu ku heli lahaa iyada oo waliba dhawaan la filayo in Ronaldo uu isna qaban doono shir jaraa’id oo sida Zidane u gilgili kara Bernabeu.